Muqdisho:-Wakiil ku xigeenka dawlada UK ee Qaramadaa Midoobey Jonathan Allen ayaa wuxuu sheegay in hadda aysan jirin sabab loo dib dhigo doorshooyinka dalka uu soo galayo sanadka soo aadan,gaar ahaan cudurka Coronavirus oo laga helay qaybo ka mid ah Soomaaliya aysan waxba ka bedeli karin.
Mar uu ka hadlayayna waxa uu yiri, “Ma jirto wax sabab ah oo cudurka COVID-19 uu u hor-istaagi karo inuu dhaco diyaargarowga muhiimka ah ee doorashada. Waa in si deg deg ah loo shaaciyaa go’aanada muhiimka ah ee ku saabsan habka doorashada, qoondada kuraasta, qeexista deegaan doorashada, qoondada haweenka, arrinta Somaliland iyo maqaamka Muqdisho,”
Allen ayaa sheegay in hadafka laga leeyahay siyaasadda Soomaaliya ee ah in sanadkan la qabto dooraasho qof iyo cod ah, iyo horumar laga sameeyo dib u eegista dastuurka ay yihiin kuwa aan weli is-beddelin.
Waxa uu sidoo kale faray dawladdan Soomaaliya, baarlamanka, guddiga doorashooyinka, guddiyada isku dhafka ah iyo dawlad goboleedyada dalku in ay ka wada shaqeeyaan arrintan, islamarkaana ay qaadaan tallaabooyin deg deg ah oo loo dhan yahay.
“Waa arrin wanaagsan in aan maqalno toddobaadyada soo socda horumar laga sameeyey arrimahan.” ayuu yiri Jonathan Allen.
Ugu dambayn Allen ayaa hadalkiisa kusoo geba-gebeeyay in hadda aan dawlada Soomaaliya, looga baahnayn in ay ku mashquusho arrimaha mucaaradkeeda, isla markaasina ay horyaallaan hawlo ka muhiimsan oo ah tan doorshada, isagoo xusay in ay dawladu la timaado in ay u tanaasusho horumarka dalka.