In wafdiga Hirshabelle State oo aan hal askari lasocon ay gaaraan waxay cadayn u tahay in Hirshabelle State madaxdeedu gaareen dhul ay leeyihiin, waxayna guul u tahay midnimada labada shacab oo inbadan kawada dhaxeeyo labadaa maamul.
Waxey astaan u tahay Hirshabelle State in ay tahay Galmudug, Galmudugna ay tahay Hirshabelle State dadkeeduna ay hal dad yihiin.
Waxaan bogaadinayaa maqaamka ay gaartay Galmudug oo maanta gogol u noqoneyso hogaamiyayaal aad ukala aamin baxay.
Waxaan sidoo kale ku faraxsanahay in 2020 ay billaabaneyso Dhuusa-mareeb One iyo Dhuusa-mareeb two taasoo aan rajjaynayo in guul taariikhi ah ka imaan doonto oo dalkeenuna uga bixi doono marxaladda kala guurka ah ee sida aadka ah loogu kala aragti duwan yahay.
Gogashaasi waxaan u rajjaynaynaa in ay ka abuuranto kalsooni siyaasadeed iyo mid shacbiyadeed taasoo ah mid muhiim uwada ah dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee maanta ku kala aragti duwan marxaladda taagan.
Madaxda Galmudug, siyaasiyiinta, cuqaasha, ganacsatada iyo haldoorrada siyaasiyiinta ah ee heerkaan maanta gaarsiiyay Galmudug State iyaguna mahad gaara ayaan markasta udirayaa,waana wax ay taariikhdu xusi doonto.
Hassan Abdulkhader Mudey