Maanta oo Khamiis ah 13-ka bisha Febraayo waxay ku beegan tahay maalinta caalamiga ah ee Raadiyaha ayaa hay’adda xuquuqda aadanaha caalamka ee Amnesty Internatinal waxay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya waxay ka soo saartay warbixin culus oo ku saabsan xaaladda weriyeyaasha Soomaaliya saddexdii sano ee la soo dhaafay.
Daraasad socotay muddo laba sano ah ayaa hay’adda Amnesty waxay ciwaan uga dhigtay “Waxaynu ku nool nahay cabsi”, iyadoona warbixinta ay soo saartay ku muujisay weriyeyaal dhibaatooyin kala duwan ay ka soo gaartay xilli ay ku guda jireen howlahooda gudaha dalka Soomaaliya.
Cali Aadan (Cali Soomaali) oo ka mid ah saraakiisha hay’adda xuquuqda aadanaha Amnesty International ayaa BBC-da u sheegay in tacadiyada loo geysto weriyeyaasha uga yimaadeen dowladda Soomaaliya, maamul goboleedyada iyo ururka Al-Shabaab isla markaana qaarkood dalka isaga cararay markii ay la kulmeen jirdil, caga jugleyn iyo xarig joogto ah.
Xisbiyo Iyo Siyaasiyiin Dalbaday In Si Deg Deg Ah Lagu Soo Daayo Wariye Cali Aadan Muumin
“Weriye lagu magacaabo Cali Aadan Muumin ayaa dalka isaga cararay markii loo geystay xarig, jirdil iyo handadaad joogto ah” ayuu yiri Cali Soomaaliya oo sheegay in askari dil u geystay weriye uu ku sugan yahay degaano ka tirsan Galmudug, kaasi oo maxkamadi ku xukuntay inuu bixiyo magta wiil weriye ah oo uu dilay.
Waxaa kale oo sarkaalkan ka tirsan Hay’adda Amnesty uu sheegay inay ururiyeen macluumaad ku saabsan lacago laaluush ah oo dowladdu siiso qaar ka mid ah warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho, halka madaxda iyo xubnaha ka tirsan xeyndaabka Villa Somalia u hanjabaan qof kasta oo dhaliila dowladda.
Wasiir Maareeye ”Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta badqabka Saxafiga iyo Saxaafadda..”
Maamul goboleedyada dalka ayaa mudadii saddexda sano ahayd ee la soo dhaafay waxay xadgudubyo kala duwan u geysanayeen weriyeyaasha, waxaana sida lagu xusay warbixinta hay’adda Amnesty ay maanta soo saartay ku muujisay dhibaatooyin lagu hayo weriyeyaasha, kuwaasi oo haatan qaarkood xabsiyada ugu jira sida weriye C/Maalik Muuse Coldoon oo maamulka Somaliland ku xukumay xarig saddex sano ah.
Booliska Somaliland oo xiray tifaftirihii Horn Cable TV, xayiraadna saaray TV-ga
Maamullada Koonfur Galbeed, Puntland iyo Jubaland ayaa qeyb ka ah meelaha weriyeyaasha lagu dhibaateeyo, iyadoo dhowaan xabsiga Baydhaba laga sii daayay weriye u shaqeynayay mid ka mid ah telefishanada kaddib markii muddo ku dhow sanad uu xirnaa kuna eedeysnaa shir ka dhan ah maamulka halkaasi ka taliya oo ka dhacay isla magaalada Baydhaba.
AKHRISO WARAR KALE OO XIISO LEH
Warbixinta hay’adda xuquuqda aadanaha caalamiga ah ee Amnesty International ayaa lagu sheegay in mudadii saddexda sano ahayd ee uu xilka hayay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ay dhaceen tacadiyadii ugu badnaa ee weriyeyaasha loo geysto kuwaasi oo qaarkood waxyeello kala duwan ka soo gaartay qaraxyo ka dhacay gudaha Soomaaliya.
C/qaadir Jaakad Axmed
Somaliweyn Media Center (SMC)
Email: [email protected]
Nairobi – Kenya