Iyadoo laga taxadarayo faafitaanka Coronavirus ayaa Hay’adaha Garsoorka Dalka, waxa ay soo saareen go’aano cusub oo lagu kordhinaayo hakinta dhageysiga dacwadaha madaniga ee Garsoorka Dalka uu qaado.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dalka, Baashe Yuusuf Axmed ayaa waxaa lagu sheegay in la kordhiyay hakinta dhageysiga dacwadaha madaniga, furashada dacwadaha cusub, racfaan qaadashada.
Arrintaan ayaa timid kadib markii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee wadatashi uu la sameeyay Garsoorayaasha Maxkamadaha, Xafiiska Xeer Ilaalinta & Garsoorka Maamul Goboledyada Dalka ka jira.
Dacwadaha Ciqaabta ayaa la sheegay in lagu dhageysan doono hab Online ah, waxaana Taliska Ciidanka Asluubta laga dalbaday inay fududeeyan doorkooda ku aadan arrintaan.