Wararka aan ka heleyno Maxkamadaha Rayidka ayaa sheegaya in khilaaf lacageed uu hareeyey hanaanka Cadaaladda.
Muuse Macalim Guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir ayaa horay shaqada uga ceeriyey sida lagu eedeeyey Laba Garsoore oo ay qaraaba dhow yihiin Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yusuf kadib markii lagu helay Musuq maasuq.
Galabta ayaa waxaa la sheegay in Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Soomaaliya Baashe Yuusuf uu shaqo joojin ku sameeyey Gudoomiye Muuse Macalin.
Warqada shaqa ka joojin ah oo uu si KMG ah lagu sameeyey Gudoomiye Muuse Macalin ayaa sidoo kale ugu magacaabay Guddoomiyihii Maxkamadda degmada Howlwadaag Maxkamadda Gobalka Banaadir.
Muuse ayaa horay u amray xariga mas’uulkii Shirkada oo ay qaraaba dhow yihiin guddoomiyaha Maxkamadda Sare.