Mudane C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo ku sugan magaalada muqdisho ayaa hoygiisa ku booqday Gudoomiyaha Golaha Shacabka Barlamaanka Federaalka Somaliya Mudane Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxmaan.
Labada Mas’uul ayaa qaatay kulan saacado dhowr ah socday oo ay iska xog wareysanayeen Xaalada Siyasadeed ee ka jirta Dalka sida Arimaha Doorashooyinka,Amniga,iyo Dadaalada Hormarineed ee ay ku tilaabsatay Dowlada Koonfur Galbeed
Maxamed Mursal Gudoomiyaha Golaha Shacabka Barlamanka Somaliya ayaa Madaxweyne C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen uga mahadceliyey Booqashada ugu yimid wuxuuna uu bogaadiyey Doorka uu ka qaadanayo shirka Wadatashiga Madaxda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah.