Kulan ay soo qabanqaabisay Wasaarradda Qorsheynta dowlad gobolleedka Hirshabeelle loogana hadlayay baahiyaha ka jira deegaannada Hirshabeelle ayaa lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Wasiiru-dowlaha Wasaarradda Qorsheynta Hirshabeelle Cabdirisaaq Aadan Geedi oo kulanka kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirkan uga duwan yahay shirarkii hore oo ay Goluhu yeelan jireen in markan kulamadu ay ka dhacayaan isla deegaannada Hirshabeelle, gaar ahaan magaalada Beledweyne.
”Ujeedada kulanka waxey aheyd in looga hadlo baahiyaha ka jira Dowlad gobolleedka Hirshabeelle, waxaan runtii la kulannay xubno ka socda Wasaarrada Qorsheynta heer Federaal iyo hay’adda caalamiga ah ee ADAM International kana tirsan UN-, gaar ahaan waxaan kulankeena diirada ku saarnay arrimaha Fatahaaddaha iyo siddii loo maareyn lahaa” ayuu yiri Wasiirru Dowlaha.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in kulanka siweyn loogu lafaguray isku xirka kaabashaa dhaqaale ee deegaannada Hirshabeelle iyo Dowladdaha iyo Maaamulada kale ee dariska la ah, isaga oo sheegay in sanadkan lagu tilmaami karo sanad shaq
o.