Aasaasaha shirkadda Reddit, Alexis Ohanian ayaa iska casilay jagadii maamulka shirkadda tignoolojiyadda, waxa uuna shirkadda ka codsaday in lagu badalo qof madow ah.
Ganacsadaha ayaa sidoo kale ballan qaaday in mustaqbalka uu saamigiisa shirkadda Redit u isticmaali doono adeegga bulshada madow.
Qoraallo taxane ah oo uu barta twitter-ka ku daabacay ayuu ku sheegay inuu doonayo in uu jawaab u helo su’aasha gabdhiisa madaw ee ah Adiga maxaad u qabatay dadka madow?”’
Tallaabadan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo maalmo ay Mareykanka ka socdaan dibadbaxyo looga soo horjeeda tacaddiyada iyo midab-takoorka ay booliska u geystaan bulshada madow.
George Floyd, oo ahaa 46 sano ayaa toddobaadkii hore geeriyooday. Wuxuu waardiye ka ahaa mid ka mid ah maqaayadaha ku yaalla Minneapolis.
Wuxuu la kulmay booliska fiidnimadi 25-kii bishii May ka dib markii askarta la wacay oo loo sheegay nin looga shakisan yahay inuu foorjari ama been abuur sameynayo.
Dilkan ayaa waxa uu sare u sii qaaday caradii hore, ee ku aadanayd dilalka ay booliku u geystaan dadka madow ee reer Mareykanka ah, waxaana dilalkaasi ka mid ahaa dilkii Ahmaud Arbery oo ka dhacay Georgia iyo Breonna Taylor oo lagu dilay Kentucky.
Mr Ohanian, oo ay u dhaxdo xidigta teeniska ee Serena Williams, ayaa sheegay inuu hal milyan oo doolar ugu deeqay hay’adda Garo Xuquuqdaada ‘Know Your Rights Camp’ oo uu bilaabay cayaaryahan Colin Kaepernick.
”Waxaan aaminsanahay in iscasilaadda ay tahay ficil hogaamin oo ay sameyn karaan dadka maanta awoodda leh.” ”Qofkasta oo u dagaalamaya inuu xalliyo dalkeenaan kala jabay waxaan leeyahay hadaalin.”
I believe resignation can actually be an act of leadership from people in power right now. To everyone fighting to fix our broken nation: do not stop.https://t.co/LWI1OnCaVi
— Alexis Ohanian Sr. (@alexisohanian) June 5, 2020
https://platform.twitter.com/widgets.js
Waxaa uu shirkadda Reddit aasaasay 15 sannadood ka hor isaga iyo saaxibadii Aaron Swartz iyo Steve Huffman.
Sannadkii 2018-kii ayuu shaqada maalin-laha ah ee shirkadda iska joojiyay balse jagadii maamulka ee shirkadda ayuu hayaa.