Waxaa Maalintii Saddexaad Gaadiid xamuul ah oo ku dhow lixdan ay ku xayiran yihiin duleedka degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose, kadib markii wadada lagu gubay lix gaari oo xamuul ah.
Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa la sheegay in gaadiidka ay wadada u galeen, isla markaana dab ay ku qabad siiyeen meel u dhow xerada Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ee Balli-doogle, xilli ay ku sii jeedeen Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay.
Qaar kamid ah darawalada Gaadiidka oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxay sheegeen in Gaadiidkooda ay Canshuurtii lagu lahaa siiyeen dowladda Federaalka Soomaaliya & Maamulka koonfur Galbeed, isla markaana ay la’yihiin in si amni ah ay ku maraan wadada xiriirisa Muqdisho & Baydhabo.
Gaadiidlayda ayaa ugu baaqay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda Koonfur Galbeed inay si deg deg ah wax uga qabtaan xaalada amni darro ee ka jirta wadada, hadii kale ay Shaqa joojin ku sameyn doonaan.
Wadada u dhaxeysa degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelha Hoose ilaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca falal amni darro, waxaana walaac ka muujiyay Darawalada Gaadiidka iyo dadka ku safra wadadaasi.