1-Saddax Dibi oo Midabkoodu kala ahaa Madow, Cadaan iyo Guduud oo meel Barwaaqaa Daaqayay ayaa Libaax soo weerari waayay, kadibna Dawaco ayaa…. ( F.S: 1aad)
( Intaas ayaan ku joojiyay, si aan Aqristayaashu u dhihin, waxaa laga wadaa 3da Madaxweyne ee Galmudug ama Kuwa Juba land).
2-Afar Nin oo Somali ah oo ka kala yimid Magaalooyinka, Marko, Hargeso, Dhuusamareeb iyo Xamar, ayaa lagu yiri: Mid waliba, waxaa la siinayaa Guri ka kooban 4 Qol, waxaa uuna ku dhax jireysaa 2 Sanno Xeyndaabka Guriga isaga oo aan Dibadda uga bixin, kadibna Gurigu waxa uu noqonayaa Milkiyadaada, Mid waliba ha dalbado hal sheey oo uu isku maaweeliyo Labadaa sanno.
A-Nin kii Reer Marko ahaa waxa uu dalbaday Haween.
B. kii Reer Hargesana Qaad badan.
C- kii Reer Dhuusamareebna Sokor iyo Caleen Shaah.
D-kii Reer Xamarna 4 Kartoon iyo 10 Steeg oo Sigaar ah.
Labao Sanno kadib ayaa loo yimid iyaga oo aan ka bixin xeeyndaabkii Guryahoodii. Kii Reer Marko waxaa u joogay 4 Xaas iyo sideed Caruur ah. Kii Reer Hargeso waxaa loo yimid isaga oo 8 Qunbuladood iyo 7 Marduuf oo Qaad ihi ey ag taal, ilkihiina ey uga soo hartay saddax . Kii Reer Dhuusamareeb waxaa loo yimid isagaa Guriga ey uga dhax furan tahay 4 Tabakaayo oo Shaah lagu iibiyo iyo Laba Bush. Kii Reer Xamarkii waxaa loo yimid isaga oo ey ag taal 4 Karoon iyo 10 Steeg oo Sigaarkii ugu horeeyay ee loo keenay ah. waxaa lagu yiri: Maxaad u cabi weeyday Sigaarka Adigaaba dalbadaye. waxa uu yiri: Taraq la iima keenin.
( Adigu maxaad dalban leheyd?)
3-Maroodi ayaa meel dheer ka maqlay Qeylo, waana aaday, waxa uu ugu tagay Orgi qeylinayo, waxa uu yiri: Muxuu sidaan ugu qeylinayaa?. Waxaa lagu yiri: Si uu Rida ugu galmoodo, waana dhaqan lagu yaqaan Ariga. Waxa uu yiri: Meeqo Caruura ayuu Qeyladaan ku dhalayaa, aan Cilmi ka baranee?. Waxaa lagu yiri: Mid kaliya ayuu ku dhalayaa Qeyladaan. Waxa uu yiri: Annaga oo aan Qeeylin ayaan mid dhalnaa. ( F.S: 2aad)
( Galmudug haddii ay qeyliso ugu dambeeyn hal Madaxweyne ayey dhalee. Punt land iyada oo aan qeylin ayeey hal Madaxweyne dhashaa)
4- Nin Reer Gaalkacyo ah oo Sakaraad ahaa ayaa waxaa u yimid Rag Qaraabadiisa ah, waxa ey yiraahdeen ha loogu yeero wadaad yaasiimiyo. Waxa uu yiri: Qoodhiin iyo xeradiin, ilma Adeera yaaloo, ma wadaad aan weligii Rag iska celin ayaad Maantana xoog ka raadiseen?, Doqonnimadiina ayaan u jeedaa ee ma Adinkoo i dul taagan ayaa Maanta Nafta la iga qaadayaa, Tol beelay. ( F.S: 3aad)
( Haddii aad Jidka Aakhiro ku jaheeysato, Jiiraan iyo Jaal kuma joojin karaan, Jalaadkii aad akhri jirtay iyo sidaad uga jawaabtay Jidkii Alla kuu tilmaayay ayaa ku hor yaal)
5- Nin ayaa isaga oo Asaxaabtiisa u sheekeeynayo ku yiri: Nolosheeyda Gacmihii iigu raaxada badnaa ee Jirkeeyga lagu salaaxo ma aheyn Gacmaha Xaaskeeyga. Saaxibadii ayaa la yaabay oo yiri: oo tumeey aheyd?. Waxa uu ku yiri: Waxa ey ahaayeen gacmaha Hooyadeey.
Maalmo kadib, ayaa Ku Doqon ahaa oo ka mid ahaa Asaxaabta , ayaa isag oo joogo Xafladii Sannad guuraagii 42aad ee dhalashada Xaaskiisa, si uu uga qosliyo Martida, ayuu ku yiri: Maanta waxaan idiin sheegayaa, Gacmihii ugu raaxada badnaa ee Jirkeeyga lagu salaaxo ma aheeyn Gacmaha Xaaskeeyga. Jawaab laga ma sugine ee 42 Shumac oo holcayo ayaa Wajigiisa lagu dhajiyay, Ogaanteey Isbitaalka ayuu ku jiray. ( F.S: 4aad)
( Murti kasta meel ku haboon ayey leedahay)
6-Gabar 19 jir ah ayaa lagu daray Oday Qurbaha ka yimid. Sannad kadib ayeey Telefon kula hadashay isaga oo Qurbaha ku maqan, waxa eyna ku tiri: Meeqa jeer ayaad i qayaantay? Xoogaa ayuu aamusnaa, markii dambe ayuu ku yiri: Tirada Timaha Madaxeyga ku yaal oo kale.
Gabadhii Telefonkii ayeey ku damisay, ooyin ayeeyna Bilaawday, haddana xooga kadib ayeey Qosol la dhacday kaligeed. Waxa ey soo xasuusatay in Ninkeeda Madixiisa eynan ku aalin xataa hal xabbo oo tin ah, ar Bidaarta qaaraaaa . ( F.S: 5aad)
(wax xasuuso inta aadan xanaaqin)
Qore: Yahya Amir