Muqdisho:-Danjiraha Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya Francisco Madeirara ayaa waxa uu ka hadlay arrintan Jubbaland, isagoo oo Axmed Madoobe ku amaanay tallaabooyinka uu qaaday.
Amb.Madeira ayaa waxa uu tilmamay in ay tahay arrin wanaagsan in Axmed Madoobe uu heshiis la qaato, qaar ka mid ah dhinacyadii isaga ka soo horjeeday.
Arrintan ayaa waxa uu tilmaay in ay tahay kuwo isku soo dhawaynaya maamulkiisa iyo xubnaha mucaaradka ku ah, isla mar ahaantaasina ay noqon karto tallaabo horay loo qaaday.
Hadalkan ayaa waxa uu ka sheegay danjirahu, kulankii ay yeesheen golaha ammaanka Qaramada Midoobey, ee uu ka midka ahaa masuuliyiintii khudbadaha ka horjeediyay kulankii ay yeesheen goluhu.
Dabayaaqadii bishii hore ee April ayay ahayd markii madaxweynaha maamul goboleedka jubbland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe uu heshiis kula gaaray magaalada Nairobi hoggaamiyaha xubnaha la magac baxay Isbadal Doonka Jubbaland, kaas oo ay siweyn ula dhaceen beesha caalamka .
Dhanka kale waxaa jiray kulamo uu magaalada kismaayo ka bilaabay, kuwaas oo uu la yeelanayo waxgaradka ka soo horjeeda maamulkiisa.