Shirkadda sameysay Bootarka Carruurta loo mariyo ee lagu magacaabo Johnson and Johnson ayaa ku dhawaaqday iyada oo ka falcelineyso eedeyn la degtay Waxsoosaarka Shirkadda.
Maamulka Shirkadda ayaa go’aansaday in ay joojiyeen iibinta Budada (Powder) Mareykanka iyo Canada oo ah meelaha ugu badan oo ay dhaqaalaha faaiidada ah ka helaan iibinta waxsoosaarkooda.
Sanadkii 2018-kii waxaa soo baxday eedeyn ah in Bootarka Shirkadda laga qaado xannuunka halista badan ee Kansarka, kadib markii la baaray tiro carruur ah oo loo mariyay sida hadalka loo dhigo.
Talaadadii waxaa shiray Madaxda sare ee Shirkadda, go’aan waxa ay ku gaareen in ay joojiyaan iibinta Badeecadooda Mareykanka iyo Canada oo ah goobaha laga soo gudbiyay tabashada la xiriirta tayada waxsoosaarkooda.
“Waxa aan hoos u dhigtay dalabaadka Budada Shirkadda Johnson Baby Powder Waqooyiga Ameerika, dhaqaatiirta iyo khubarada Caafimaadka Shirkaddu ma jiraan waxyaabo halis ah ama dhalin kara oo ay nala soo wadaageen” sidaasi waxaa lagu yiri war kasoo baxay Waaxda suuqgeynta.
Baaritaanno kala duwan oo ay kala sameeyeen Wakaaladda Reuters iyo Wargeyska The New York Times Bishii December 2018-kii, ay ku ogaadeen in Suuqa uu lahaa Bootarka hoos u dhacay, tan iyo markii ay soo baxday halista Caafimaad ee laga dhaxlay.
“Laga soo bilaabo 1971-dii illaa 2000 waxaa hoos u dhacayay tayada budada Shirkadda, waxaa yaraaday awoodda difaaca Bootarka, taasi waxa ay sababtay in xannuunka Kansarka uu ka dhasho, Dhaqaatiirka iyo Seynisyahanadu waa kuwo ka fakira khatarta caafimaad sida looga hortagi karo” Wakaaladda Reuters ayaa ku warrantay.
Shirkaddaan ayaa dalab sameysay sanadkii 2018-kii, waxa ay ka heshay lacag dhan $4.7 Bilyan Haween iyo qoysas iibsaday Budada ayaa laga helay Xannuunka halista badan ee Kansarka, sidoo kale Johnson and Johnson Baby Powder waxa ay dalab $29 Milyan oo ah California.
Johnson and Johnson waxaa la aas-aasay sanadkii 1886-dii, xarunteeda waxa ay tahay Magaalada New Brunswick Gobolka New Jersey ee Dalka Mareykanka, Sanadkii 2019 qiimeyn lagu sameeyay dhaqaalaha Shirkadda waxaa lagu ogaaday in ay heysato lacag dhan $82.06 Bilyan.
Xigasho:Wakaalado