Dowladda Yemen ee ay Caalamka aqoonsasn yihiin waxa ay Xabsiyada ka sii daayeen in ka badan 470 Maxbuus, kuwaasi oo ku xukunaa Dembiyo fudud sida ay sheegeen saraakiisha Garsoorka dalka Yaman.
Ilo dhanka Garsoorka ayaa sheegay in Maxaabiista laga si ikala daayey Xabsiyo ku kala yaalla magaallooyinka dalkaasi sida Xadarmuut, Ma’rib, Shabwa, Tacis, Al-mahra iyo Dhalca ee dalka Yaman.
Sii-daynta Maxaabiistaasi ayaa timid, kadib, markii ay Khubaro ka tirsan Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ay ku baaqeen in si degdeg ah loo sii daayo Maxaabiista Siyaasadeed ee ku xiran Yemen, si loo yareeyo khatarat ka dhalan karta COVID 19.
Waddanka Yemen ayaa ka mid ah dalalka aan weli helin cudurka Covid-19 oo dhibaato ku haaya guud ahaan Caalamka.
Dowladda Caalamku aqoonsanyahay ee Yaman ayaa dadaal ku bixinaysa ka horta Xanuunka Coronavirus kaas oo dhibaato ba’an ku haaya wadamada Caalamka waxaana haatan guud ahaan Dunida Xanuunkaan u geeriyootay 47,000 oo qof.
Talaabooyinka ay qaaday Xukumada Yaman ayaa waxaa ka mid ah soo qabqabashad Muhaajiriinta Afikaanta ah ee nool dalkaasi si loo xadido faafitaan Xanuunka,waxaana dadkaasi ku noo kumanaan Afrikaan ku waas oo intooda badan ka soo kala jeeda wadamada Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea.