Muqdisho:-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay dib u fasaxdo duullimaadka dalka muda laba maalmood ah si dadka Soomaaliyeed ee ku xayiran qaar kamida wadamda caalamka ay dib ugu soo laabtaan dalka.
Wadamada ugu badan ee dadka Soomaaliyeed ay ku xayiranyihiin ayaa kala ah Turkiga iyo Imaaraadka Carabta, waxaana dalka Turkiga dadka ku xayiran kamid ah guddoomiyaashii golaha shacabka iyo aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh iyo Cabdi Xaashi Cabdullahi.
Labada guddoomiye ayaa ka mid noqday dadkii iyaga oo kuwaas dalka Turkiga ay ku xayirmeen duullimaadyadii caalamiga ahaa ee dalka.
Go’aankan ayaa la filayaa in dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ay ku dhawaaqdo saacadaha soo socda ama 24-ka saac ee soo socota.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo Ra’iisul Wasaasraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu xalay guddoomiyey shir looga hadlay dardargelinta dadaallada dib usoo celinta muwaadiniinta ay saameysay xayiraada duullimaadyada ee dunida kala jooga.
Waxaana Ra’iisul Wasaaraha iyo guddiga ka hor tagga Coronavirus ay isla qaateen in arrintan loo xil saaro guddi kasoo tala bixiya waxa laga yeelayo dadka Soomaaliyeed ee ku xayiran wadamo badan oo caalamka ah.