1- Dastuurka Qabyadda ah in la dhameystiro loona qaado afti Dadweyne.
2- In la dhiso Maxkamadii Dastuuriga ahayd.
3- In Diiwaangelinta Dadweyne dalka ka dhacdo si loo ogaado tirada guud ee dad ee xaqa u leh in ay doorasho ka qayb qaadan karaa.
4- In Somaliland lala heshiiyo oo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kamid noqoto si shacabka degan loo diiwaangeliyo una helaan fursad ay wax ku doortaan ama in layska sii daayo oo loo aqoonsado gooni isu taaga ay ku dhawaaqeen.
5- In Sharciga Jinsiyadda la ansixiyo si loo ogaado muwaadanka dhabta ah ee Soomaaliga ee xaq u leh in uu qof dooran karo asagana la dooran karo.
6- In la dhameystiro Diiwaangelinta iyo sharuudaha Xisbiyadda. Ilaa iyo hadda Soomaaliya kama jiro hal Xisbi oo 30% soo buuxiyey Sharuudihii laga doonayey in uu ku noqdo Xisbi Siyaasadeed Qaran.
7- Dhinaca Amniga ee dalka waa in wax laga qabto oo dalka la gaarsiiyo xaallad amni oo suurtagalin karta iyo dalka oo idil ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.
Arimahaas ma filayo in 5-ta bilood ee Baarlamaanka u harsan in lagu dhameystiri karo. Wixii ka soo haraa waa doorasho dadban. Doorasho Dadban si dalka ugu dhacdo waxaa loo baahan yahay heshiis siyaasadeed dhexmara Dowladda Federaalka iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah. Haddii taasi la waayo aan Madaxweyne Formaajo u dhaafno in 4 sano kale in uu dalka Madaxweyne ka sii ahaado ilaa asaga iyo Xaliimo Yarey na gaarsiiyaan doorasho toos ah oo Soomaaliya oo idil ka dhacdo.
Ilyas Mohamud Hussein