Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Jubbaland Axmed Islaam (Madoobe) ayaa 72 saac kadib ka hadlay Arinta Baxsashada la Sheegay wasiir Janan.
Madoobe ayaa weli kusugan Nairobi waxaana munaasabad uu ka qeyb galayey uu kusoo hadal qaaday Qadiyada Janan ee Dawladu shaacisey inuu baxsaday.
Waxa uu Jawaab Cad sheegay inay ka sugayaan Dawlada Dhexe arinta Cabdi Rashiid Janan oo aysan ku qanci doonin wuu baxsaday.
Axmed Madoobe ayaa madaxda Dawlada ku sheegay kuwo Dayacay Amniga guud Ee Dalka iyo dadka sidaa awgeed Qadiyada Janan ayuu sheegay inaysan dhinaca Booliska Soomaaliya warka udhigeen ka ogolaan doonin.