Wareysi uu siiyey Telefishinka SBC ayuu kaga hadlay Ra’iisal Wasaarihii Hore Ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi Hadal heynta ka dhalatay 7 Xubnood Ee Kuraasta Aqalka Sare laga siiyey Gobolka Banaadir.
Prof,Cali Geedi waxa uu sheegay in ay muhiim tahay sida wanaaga ku jiro loo wajaho ka doodista Xaqa la siiyey Gobolka Banaadir,isagoo jawaab ka siiyey Dhinacyada Mucaaradka ah dano gaar ah ay ka leeyihiin qadiyadaan soo kordhay.
Sidoo kale Cali Maxamed Geedi waxa uu sheegay in ay Dawlada ugu baaqayaan in dadka Gobolka banaadir Xuquuqdooda lala wadaajin deegaanada kale oo iyaguba ka helin Kuraas Dawlad Gobolleedyada ay xukumaan.
Dhinacyada Siyaasada Soomaaliya ayaa waxay muddooyinkii dambe guux ka dhex abuurtay Arimaha Gobolka Banaadir iyo Kuraasta laga siiyey Aqalka Sare inkastoo Dawlada ay Go’aanka Baarlamaanka ka sugeyso Qadiyadaan iyo halka ay ku biyo shubato.