Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa soo geba-gabeysay kiis la xiriiray musuq maasuq oo loo heysto mas’uuliyiin ka tirsan mid kamid ah Waaxyadaha Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Mas’uuliyiintaan ayaa waxaa ay kala yihiin Madaxa qeybta xisaabaadka ee Wasaaradda Warfaafinta oo lagu Magacaabo Aweys Xasan Cumar & Wiilkiisa Khadar Aweys Xasan Cumar oo ahaa milkiilaha Shirkadda Al-Xabiis Business Center.
Xeer ilaaliye kuxigeenka Guued ee Qaranka Farxaan Xuseen Maxamed ayaa sheegay in Xeer ilaalinta u cuskatay eeda qodobada kala ah,280, 281, 251 iyo 241 xeerka ciqaabta Somaaliyeed oo nuxurka eedoodu ay tahay ku daneysasho xafiis dowladeed iyo musuq maasuq uu ku edeysan yahay Aweys Xasan Cumar iyo Wiilkiisa Khadar Aweys Xasan Cumar oo ku eedeysay jebinta heshiis lala galay Dowladda oo ahaa mid loogu adeegayay Bulshada Soomaaliyeed.
Sidoo kale Xeer ilaaliye kuxigeenka Qaranka Farxaan Xuseen Maxamed ayaa sheegay in kiiskaan Maxkamadda ay u dirtay go’aan,waxaana uu sheegay in cidkasta oo arrimahaan oo kale ay ku cadaato ay maxkamad horkeeni doonaan.