Hogaanka Galmudug Ee Weli la caleemo saarin ayaa waxay Afhayeenka Maamulkaasi amreen inuu ka jawaabo Eedii ka timid Maalmo ka hor Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.
Ahlusunadii la xaniinyo siibay lagana saaray Gobollada Dhexe ayaa waxay dhawaan shaaciyeen inay ka digayaan in Shabaabkii ay Toban sano ka hor la dagaalameen aysan mar kale usahal noqon deegaanka loona gacan geliyo.
Sheekh Shaakir oo ka hadlayey Arintaas waxa uu sheegay inaysan udul qaadan karin in dad dhiigooda iyo dheecaankooda ku bixiyeen Argagaxisada hadana si dhib yaraan ah loogu dhex beerayo Deegaanadii Xorta ahaa 12 sano.
Hadaba Arintaas waxaa ka jawaabay Cusmaan Ciise Taar dhuleed Afhayeenka Maamulka Madaxweyne Qoor qoor hogaamiyo isagoo sheegay in ay jiraan dad badan oo xoogooda iyo maalkooda ku bixiyey Xoreyntii Deegaanka ayna weli joogaan.
Waxa uu sheegay in Eedaas ay tahay mid dano gaar ah laga lahaa balse ay weli dadka Gobollada Dhexe udiyaarsan yihiin la dagaalanka Al Shabaab.