Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa laga dalbday in si deg deg ah ay u qaado Ciqaabto ay ku heyso Shacabka Magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Warsame Maxamed Xasan (Joodax), oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Oo la hadlay Warbaahinta ayaa Madaxda dowladda ugu baaqay in ciqaabta lagu hayo shacabka Muqdisho laga qaado.
Waxa uu sheegay in dagaalyahanadda shabaab hadii lala dagaalayo loo baahan yahay in loogu tago goobaha ay joogaan, oo aysan Dowlada ganjeelo ku xiran wadooyinka Magaaladda Muqdisho.
Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dhawaan la furi doono qaar kamid ah wadooyinka magaaladda muqdisho ee xiran.
Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), Wasiirka Amniga Somaliya ayaa shaaca ka qaaday in uu socdo qorshe lagu doonayo in dhegxaanta looga qaado wadooyinka Magaalada Muqdisho qaarkood.