War ka soo kasoo Alshabaab ayaa kagu shaaciyey in Maalinta Berri ee Sabtida 23-ka May 2020-ka ay tahya Ciid.
Bayaan uu soo saaray Xafiiska Garsoorka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dhalashadii bisha Shawaal laga arkay ilaa saddax meelood oo ka tirsan degaanad ay ka taliso Alshabaab ee Koonfurta Soomaaliya, iyadoo laga xaqiijiyey 15 qof.
Garsoorka Alshabaab ayaa sheega in degaanada laga arkay bisha Shawaal ay ka mid yihiin: degmada Ufurow ee Gobolka Baay oo laba qof ka arkeen; Degmada Dhoobleey Jubbada Hoose oo 3 qof ka arkeen iyo degaanka Gamboole ee Shabeellada Dhexe oo 10 qof ay bisha Soonfur arkeen.
Alshabaab ayaa go’aamiyey in maalinta berri oo Sabti ah ay tahay maalinta koowaad Ciidul Fitriga sanadka 1441 H, waxaana dadka loogu diray hambalyo ku saabsan munaasanadda Ciidul Fitriga.
Dowladda Soomaaliya iyo dhammaan dowladaha Islaamka ayaa hore ugu dhawaaqay Caawa inay Berri tahay 30-ka Ramaaan oo ciidul firtiga ku beegan tahay Axadda.