Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey heshiiskii doorashada ee ay wada gaadheen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, maammul goboleeddada iyo gobolka Banaadir.
Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, ayaa ay ahayd in ay maanta ka doodaan heshiiskii ay dhawaantan Muqdisho ku kala saxiixdeen madaxda federaalka iyo kuwa maamul gobaleedyada ee ku aadana nooca doorasho ee waddanka ka qabsoomaysa aakhirka sanadkan iyo bilowga sanadka soo socda.
Waxaana ansixiyey oo codka gacan taaggaa ugu codeeyey 26 xildhibaan, halka uu ka aamusay hal xildhibaan ayna diideen laba xildhibaan.
17-kii bishan Sibteembar ayey aheyd markii madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubaland iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ay kala saxiixdeen heshiiskaasi.