Dagaal u dhexeeya ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay qaybo ka mid ah magaalamda muqdisho, waxaana jira khasaare ka dhashay dagaalkaas.
Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay halka lagu magacabo Gumbucoole oo ka tirsan degmada Kaaraan ee Gobalkani Banaadir.
Ciidanka ayaa ka kala tirsan maamulka degmada Kaaraan iyo kuwa ka mid ah Militariga Soomaaliya, Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalkaas uu ka dhashay muran Arrimo la xiriira dhul ku yaalla halka lagu dagaalamay, waxaana lagu soo waramayaa in halkaas weli xiisad ay ka taagan tahay.
Laamaha amniga maaulka Degmada Kaaraan iyo kan Gobalka Banaadir wax war ah kama soo saarin dagaalka ka dhacay degmada kaaraan.