Koox Hubeysan ayaa waxay Galabta Casirkii ku dileen Abwaan Caan ahaa Xaafada Arjentiina Ee Degmada Kaaran,iyadoo Bistoolado ay wateen Kooxda dilka fulisey.
Abwaanka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Baashe Maxamuud Macalin,iyadoo Meydkiisa loo qaaday Xarunta Dembii Baarista CID-da Muqdisho.
Ciidamada Dawlada Soomaaliya ayaa waxa la sheegay in ay meydka meesha ka qaadeen.
Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in kooxda dilka geysatay ay ka baxsadeen goobta dilka kadib.