Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee Iraq waxay xilli dambe oo xalay ahayd ku dhawaaqeen in ay gacanta ku dhigeen Ninka ay suurtogalka tahay inuu bedelay Hoggaamiyihii Kooxda Daacish ee geeriyooday, Abu Bakar Al-baqdaadi.
Sirdoonka waxay sheegeen inay qabteen Cabdul Naasir Qardash oo haatan Madax ka ah Kooxda Daacish-ta Iraq, kaasi oo magaciisa dhabta yahay Amir Mohammed Abdul Rahman al-Mawli al-Salbi.
Warar laga helay dhanka Ammaanka ayaa sheegay inuu Hoggaamiyaha cusub hoggaaminayey Dagaalkii weynaa ee ka dhacay Deegaanka Baquus ee dalka Syria bishii Feberaayo ee sanadkii hore ee 2019-kii.
Faahfaahin dheeraad ah lagama bixinin xogta qaabkii loo qabtay Cabdul Naasir Qardash, oo isagu la sheegay inuu asal ahaan ka soo jeeda dadka Turkemenka Iraq ee ku nool Gobalka Telafar oo u dhow magaalladda Mosul ee Waqooyiga Iraq.
Daacish dhankeeda kama hadlin sheegashada Ciidanka Ciraaq ee ah qabashada Sarkaal ay doon doonayeen bilihii la soo dhaafay.
Dowladda Maraykanka waxay Ka hor dilkii Hoggaamiyihii hore ee Daacish, Abu Bakar Albaqdaadi sheegtay inay Al-salbi madaxiisa dul-dhigeen Abaalmarin Lacageed oo dhan 5 malyan oo Dollar.
Al-baqdaadi waxa uu ku geeriyooday Gobalka Idlib ee dalka Syria bishii October ee sanadkii hore, kadib, markii uu isku dhex qarxiyey Hul ama god dhulka hoostiisa oo uu ku dhuumaalaysanayey, xilli ay Ciiddanka Khaaska ee Milliteriga Maraykanka ku dhawaadeen inay nolosha ku qabtaan.