Magaalada Muqdisho waxaa maanta aan salaadda Jimcaha aan lagu oogin qaar ka mid ah masaajidda ku yaala, kadib markii dhawaan ay dowladda Soomaaliya sidaasi soo jeedisay hadana ay sii korortay baqdinta ku aadan in cudurka Corona uu gudaha magaalada ugu faafay si hoose.
Masaajidda aan lagu tukan ayaa la sheegayaa inay ku yaaliin Degmooyinka X/Weyne, Xamarjajab, Waaberi , Bondheere ,Holwadaag ,Wadajir iyo degmooyin kale oo uu ka mid yahay misaajidka Isbahaysiga oo u dhow madaxtooyada Soomaaliya.
Qaar ka mid ah masaajidyadaasi ayaa dadka oo gudaha ugu jira si ay saladda uga qeyb galaan, ayaa waxaa la soo werinayaa inay gudaha u galeen ciidamo kala eryaya Jamaacada u timid salaadda.
Tiro yar oo misaajiddo ah ayaana maanta laga oogay saaladii khudbada ee lagu tukan jira Jamaacada magaalada Muqdisho.