Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo maalmahaan ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa maanta wuxuu la kulmay Cabdi Kariin Xuseen Guuleed oo ka mid ah Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynha Soomaaliya.
Kulanka ayaa labada mas’uul waxaa ay uga wada hadleen xaaladda dalka uu marayo gaar ahaan hanaanka doorashooyinka qaranka ee aan wali la’isku fahmin sidii loo xaqiijin lahaa in wada ogol iyo wadatashi lagu xaliyo.
Musharax Madaxweyne Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe waxaa uu kula dardaarmay in uu kaalin lixaad leh ka qaato sidii isfaham degdeg ah looga gaari lahaa doorashada dalka.
Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli khilaaf xoogan uu ka taagan yahay doorashada dalka, isla markaana khilaafkaas uu salka ku haayo Guddiga doorashooyinka dadban oo Midowga Musharixiinta ay sheegeen inay kujiraan Saraakiil ka tirsan NISA.