Wararka ka imaanaya Dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa kuwa ku Ganacsada dalkaasi uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray jirdil ay u geysteen Ciidamada Booliska dalkaasi Koonfur Afrika.
Muwaadinka Soomaaliyeed oo Magaciisa lagu soo koobay Maxamed ayaa waxaa la sheegay in xilli uu ku sugnaa Magaalada Pretoria ay ugu tagen goob Ganacsi uu ku sugnaa,kaidbna ay jirdil xoogan u geysteen.
Mid kamid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in sababta loo jir dilay ay tahay inuu ka mid ahaa Soomaalida aan u hoggaansamin bandowga lagu soo rogay Magaalada sababo la xiriira Crona virus,isla markaana muwaadinka Soomaaliyeed uu u geeriyoday dhaawac ka soo gaaray jir dilka loo geystay.
Kooxo Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa waxay dhaawac ugu geysteen muwaadin Soomaaliyeed Xaafadda Uitsig oo ku taalla Magaalada Cape Town,xilli uu ku sugnaa Goobtiisa Ganacsiga.
Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Ismaaciil Axmed ayaa waxaa lagu daweynayaa Isbitaalka Tygerburg, sida ay xaqiiqiyeen Eheladiisa,iyaga oo sheegay in xaaladiisa caafimaad ay tahay mid wanaagsan.
Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa aad loogu dhibaateeyaa Soomaalida ku nool,waxaana Kooxaha Burcad Koonfur Afrikanka ah ay had iyo jeer u geystaan dil iyo boob hantiyeed.