War Saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Saaxiibada Beesha Caalamka ee taageera Somalia ayaa waxay ka digeen in Koox Siyaasadeed isku daydo Doorasho hal dhinac ah oo ka dhacda Somaalaiya.
“Isku-day kasta oo ka yimaada hal dhinac oo ka mid ah saamilleyda oo isku daya inay dadka kale ku qasbaan noocyo doorasho aan loo dhamayn inay taasi noqon doonaa mid aan sharciyad lahayn, lamana dhaqan-gelin karo” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka oo lagu baahiyey Websaytka Xafiiska QM ee Somalia ee UNSOM
Qoraalka waxaa lagu sheegay inay Saaxiibadda Somalia muujinayaan walaacooda iyo rajada adag ee ay ka qabaan in arrimaha siyaasadeed ee dhowaan soo kordhay, oo ay ku jirto arrintii ka dhacday Baarlamaanka Federaalka, aanay wiiqi doonin dadaallada loogu jiro is-faham siyaasadeed oo wadar-ogol ah oo laga gaaro doorashooyin waqtigooda ku dhaca, oo aanay carqaladayn doonin ajendaha dib-u-habaynta Soomaaliya, ama aanay abuuri doonin xasillooni darro dib u dhac ku keeni karta guulihii ilaa iyo hadda laga gaaray arrimaha hortabinta u leh qaranka.
Saaxiibadda Beesha Caalamka waxay kaloo sheegeen inay si joogto ah ugu baaqeen Wada-tashiyo loo dhan yahay si heshiis sal-ballaaran looga gaaro noocyada doorasho ee sannadka 2020ka.
Qoraalka waxaa kaloo lagu muujiyey inay soo dhoweeyeen go’aannadii ay Madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxda Dowlad Goboleedyadu ku gaareen magaalada Dhuusamareeb bishan Luulyo 22-dii, waxayba Go’aanadaasi ku sheegeen tallaabo muhiim ah oo loo qaaday si loo gaaro yoolkaas.
Saaxiibada caalamku waxay ugu baaqeen Madaxda DFS iyo madaxdaDowlad Goboleedyada inay ixtiraamaan heshiisyadii lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb iyo Jadwalka waqtiyaysan ee shirarka lagu sii ambaqaadayo arrimahaas, la iskuguna keeno Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, hoggaanka Baarlamaanka Federaalka, xisbiyada siyaasadeed iyo wakiillada bulshada rayidka ah.
Saxiibadda Beesha Caalamka waxay hoosta ka xariiqeen in Isku-day kasta oo hal dhinac oo ka mid ah Saamileyda Siyaasadda soo saaraan Noocyo Doorasho inaysan heli doonin Taageeradad lama huraanka ee Saamileyda kale, waxayna Beesha Caalamka la socon doonaan waxyaabaha dhici doona Mustaqbalka.
“In go’aan lagu gaaro u-heelanaanta arrimaha qaran ee hortabinta leh ee lagu heshiiyay iyo in arrimaha lagu xalliyo wadahadal iyo isu-tanaasul waxay muhiim u yihiin sii socoshada taageerada caalamiga ah ee la siiyo Soomaaliya ee heerarka hadda ay tahay” ayaa lagu muujiyey Bayaanka ka soo baxay Saaxiibadda Beesha Caalamka.
Waxay kaloo ku baaqeen in aydhamaan xubnaha DFS iyo Dowlad-gobaleedyada sida ugu dhaqsaha badan u soo magacaabaan xubnaha Guddiga Farsamada, si Hawshodoa loo soo dhamaystiro muddada 2-da isbuuc ee lagu heshiiyey, taasi oo ka soo bilaabanaysa Taariikhda Shirkii ka dhacay Dhuusamareeb.
War-saxaafadeedka Saaxiibadda Soomaaliya waxaa si wadajir ah u soo saaray Dowladaha iyo Ururadda Caalamiga iyo kuwa gobaleedka ee taageera Somalia, kuwaasi oo kala ah Dowladaha Britain, Maraykanka, Canada, Denmark, Faransiiska, Finland, Netherlands, Talyaaniga, Norway, Qatar, Sweden, Switzerland, Spain, Japan, Jarmalka, Ireland, Poland, Kenya, Ethiopia, QM, Midowga Europe, Ururka Iskaashiga Islaamka ee IOC iyo IGAD.