Magaalada Garoowe xarunta Dowlad Goboleedka Puntland waxaa maanta kulan ku yeelanaya Golaha Wakiilada si ay uga hadlaan heshiiska Shirkaddda P&O Ports ee hoostagta Shirkadda Dekedaha ee DP World.
Xildhibaannada ayaa shalay u codeeyay in ajendahaan loo gooni yeelo fadhi gaar ah si ay u helaan waqti kulan oo ay ku hadal jeediyaan, laguna soo bandhigo dhaliisha iyo meelaha ay su’aalaha ka qabaan.
Hadal jeedin waxaa la siinayaa Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda DG Puntland Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), waxa uu golaha la wadaagayaa heshiiska iyo waxyaabaha ka hirgeliyay, kadib waxaa su’aalo weydiinayo Xildhibaannada.
Guddoonka Golaha Wakiilada DG Puntland ayaa Xildhibaannada ugu baaqay in ay ilaaliyaan waqtiga furmashada, maadaama ajende xasaasi ah uu horyaallo maanta sida hadalka loo dhigay.
Shirkadda P&O Ports oo hoostagta Shirkadda Imaaraatka ee Dekedaha qaabilsan DP World waxa ay maamushaa Dekedda Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, kadib heshiis dhexmaray maamulkii madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo mas’uuliyiinta Shirkadda.
Dhanka kale Waxyaabaha lagula heshiiyay waxaa ka mid ah dhismaha Marsada Boosaaso, dib u habeynta dhaqaalaha kasoo baxa, shaqo u helista dadka iyo qodobo kale oo salka ku haya arrimaha dhaqaalaha.