Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas barqanimadii Maanta laga helay Meydka gabar yar oo muddo bilooyin dhowr ah la la’aa.
Meydka gabadhaas ayaa waxaa laga helay deegaan lagu magacaabo Baraak Dabayl oo ku yaalla duleedka Guriceel, kadib markii halkaas ay Meydka ku arkeen dad xoolo dhaqato ahaa goobta socod ku marayay.
Dad goobjoogayaal ah ayaa soo sheegaya in Meydka lagu arkay Astaamo lagu aqoonsan karo inay tahay gabadha oo Ehelkeeda waayeen muddo ka badan 8 bilood ka hor ah, isla markaana laga sabray.
Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Astaamahaha gabadha lagu aqoonsaday ay kamid ahaayeen Ilkaheeda iyo dharka ay wadatay xiligii la waayay oo qaybo kamid ah oo la helay.
Qoyska gabadhan Meydkeeda la helay ayaa kal horey waxaa la sheegay inay tacsi u dhigeen gabadhooda, kadib markii ay raq iyo ruux waayeen gabadhooda, isla markaana ay ka sabreen.
Ciidanka ka tirsan kuwa Booliska Galmudug ayaa si deg deg ah u tegay goobta laga helay Meydka gabadha, iyagoo halkaas ka wada baaritaano kala duwan oo ku aadan dhacdadaas lagu dilay gabdha yar iyo cida Meydka soo dhigtay halkaas.