Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta si adag uga hadashay in qalab laga soo diray magaalada Muqdisho la soo gaadhsiiyey magaalada Hargeysa ee Somaliland.
Somaliland ayaa been abuur ku tilmaamtay in qalab caafimaad ay dowladda federaalku u soo dirtay, kaasi oo ay dhowaan Sheegeen Ra’iisul Wasaare kheyre iyo Wasaarada caafimaadkuba in la gaadhsiiyey deegaanada Somaliland.
Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, Agaasimaha wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa gebi ahaanba meesha ka saaray ‘Sheegashada’ Kheyre ee aheyd in Somaliland ay gaarsiiyen qoondadoodii ku aadaneyd kaalmadii uga timid Shiinaha.
Xergeeye ayaa sheegay in qalabka maamulkooda soo gaadhay uu ka yimid Qaramada Midoobay, kaasi oo qeyb ka ah daawooyin uu sheegay in hore loo siin jirey Somaliland, ayna doorkan yihiin qalab ka hor-tag.