Muqdisho:-Hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa xalay barteeda Twtter-ka ku baahisay muuqaal kooban oo muujinaya fanaanka Abshir Gaarane Axmed oo qiranaya inuu ka tirsanyahay ururka Al-Shabaab.

NISA ayaa qoraal kooban oo ay soo raacisay muqaalka fanaanka waxay ku tiri, “Abshir Gaarane Axmed oo ka tirsan kooxda fanka Gobalka Banadir, una qaabilsanaa Alshabab xuuraanka & Maaliyadda ayaa dabagal dheer kadib NISA gacanta ku soo dhigtay, iyadoo loo gudbinayo Hey’adaha garsoorka”.

Abshir Gaarane ayaa isagoo yiranaya ka mid ahaanshihiisa Al-Shabaab waxa uu yiri, “Al-Shabaab waxaan u shaqa bilaabay sanadkii 2013-kii, shaqadeydu waa fanaan, waxaan ka shaqeynayey gobolka Banaadir, qeybtiisa fanka iyo suugaanta, Al-shabaab waxaan u qaabilsanaa macluumaadka iyo dhanka maaliyadda, siiba dhanka maaliyadda.”

Arinta fanaankaan ayaa shalay oo dhan laga hadal hayey magaalada Muqdisho, kadib markii ay xogo ku saabsan qoreen warbaahinta qaar, waxaana la sheegay in ninkan uu soo farmuqay Maxamed Xaaji Ilkacase oo dhawaan laga baahiyey warbaahinta Qaranka, isgoo qiranaya inuu ku lug halaa dilalka dad badan iyo qaraxyo ka dhacay Muqdisho.