Guddiga doorashada madaxweynaha Galmudug oo ku kalaqaybsan qaabka dhismaha guddiga  ayaa soosaaray jadwalka doorashada madaxweynaha Galmudug kaddib muddo guddigu isku hayey qofka qabanaya xilka guddoomiyaha.

guddigan oo ka kooban 13 xubin ayaa 5 kamid ah waxa ay ka bexeen doorashadii guddoomiyaha guddiga hayeeshee 8 dii kale ee guddiga ayaa iska dhex dooratay guddoomiyaha iyo ku xigeenka Guddiga doorashada madaxweynaha Galmudug.

Guddiga kalaqaybsan ayaa waxa uu soosaaray jadwalka doorashada madaxweynaha Galmudug, kaas oo dhaliyey muran iyo cabasho la xiriirta hufnaanta doorashada iyo natiijada ka soo bixi doonta.

Xildhibaanada ka socda dhanka Ahlu suna ayaa si adag kaga biyo diiday qorshahan,waxayna sheegeen ineysan ka qeyb geli doonin doorashada haddii sidan wax ku sii socdaa.

Xaalad cakiran ayaa ka taagan doorashada Galmudug,waxayna u muuqata mid ka dhacday salaankii ay saarneyd.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xal kama dambeys ah u raadiso khilaafka hareeyay doorashada Galmudug oo iyadu ay garwadeyn ka tahay.