Kadib Mashruucii Shalay Sabtidii la saxiixay ee Wasaarada Maaliyada,Wasaarada Howlaha guud iyo Maamulka Gobolka Banaadir Qalinka ku duugeen ayaa waxa abuurantay jawi Cakirnaan.

Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa go’aan ka gaaray xiisad laga cabsi qabay inuu dalka lugaha la galo Marxalad Dawlada Saameyn ku yeelato.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa joojiyey Mashruucaasi Magaalooyinka Xamar,Kismaayo,Garowe iyo Baydhabo lagu dhisayo Waddooyinkeeda.

Waxa uu sheegay in dib u eegis lagu sameenayo Mashruucani,oo laga qadiyey Dhuuso mareeb iyo Jowhar.

Waxay taas ka dambeysay Cabasho ay soo gudbiyeen Xildhibaanada laga soo doortay Galmudug iyo HirShabelle islamarkaana la joojiyey Mashruuca howshiisa.

112 Milyan Oo Dollar ayaa lagu qarash gareeyey Afarta Magaalo in la siiyo Mashruuc ku kacaya,balse waxaa is weydiin laheyd xilli hore ayaa loo qoondeeyey waxa Madaxda Dawlada hadda Taakada ay saareen Mashruucaan sababay.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa waxa lasoo xiriiray Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare.

Wararka waxay tibaaxayaan in la isku maan dhaafay Hadalada qaar sida la sheegay islamarkaana HirShabelle ku eedeysay Maamulka Gobolka Banaadir ka reebeen Mashruucaasi.

Waase su’aale sidee Maamul uu maamul kale uga reebi karaa Mashruuc? Hadiise wax laga reebayo sow Dawlada Dhexe Maamulada la dagaashaanaa lagama reebi laheyn Ee Puntland iyo Jubbaland?

Somalia in picture

Current Map of Somalia

Somalia Area Code

Somalia area code is 252