Wararka Badweyn ay ka heleyso Ex Control Balcad waxa ay sheegayaan in ciidamo katirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM lagu qarxiyay, waxaana ciidankaan wararku ay intaa ku darayaan in ay ka yimaadeen Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Goobjoogayaal ayaa Badweyn u sheegay in labo qarax ay maqleen iyo rasaas xigtay oo ay ridayeen Ciidamada AMISOM, waxaana waxyeelo ka gaartay mid kamid ah Gawaaridii ay wateen.
Goobjooge ayaa ku warramay in labo qof oo shacab ahaa isla markaana saarnaa gaari Caasi ah meydkooda lagu arkay Ex control Balcad oo lagu qarxiyay Ciidamada Burundi ee ka socda howlgalka AMISOM.
Waxaa la xiray goobaha Ganacsiga ee ka dhaw halka uu qaraxa ka dhacay, waxaana istaagay isku socodka gaadiidka oo marin muhiim ahaa Isgoyska Ex Control Balcad.
Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo goobta tagay ayaa sameeyay baaritaanno ay ku raadinayaan dadka ay ku tuhmayaan in ay ka dambeeyeen qaraxa lala eegtay Ciidamada AMISOM.
Leave a Reply