
Xildhibaan Shaacir Sheegow oo shir jaraaid ku qabtay hoolka Baarlamaanka Galmudug ayaa baaq u jeediyay xubnaha Ahlusunna ee Baarlamaanka Galmudug iyo Musharixiinta Madaxwayanaha iyo Madaxwayne ku xigeenka Galmudug ugu baaqay in ay qayb qaataan arimaha Doorashada Galmudug.
Xildhibaan Shaacir Sheegoow oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug kana soo galay dhanka Ahlusunna waljamaaca ayaa ugu baaqay Madaxda Ahlusunna in ay uga dambeeyaan arimaha Maamulka maadaama ay Baarlamaanku howshaan wadaan.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale Xildhibaanada Galmudug ee dhanka Ahlusunna ugu baaqay in ay soo galaan howlka Baarlamaanka Maamulka Galmudug isla markaana ka qayb qaataan dhismaha Maamulka Galmudug ee Bartamaha Soomaaliya
Waxa uu sheegay in been laga faafiyay Baarlamaanka Maamulka Galmudug isla markaana wax Khilaaf ah uusan ka dhexayn Xilligaan,arimaha jirana qaab dastuuri ah lagu Xalinayo sida uu hadalka u dhigay.
Arintaan ayaa imaanaysa iyada oo Madaxa Xukumada Galmudug uu sheegay in uu san ka qayb ahayn Doorashada Maamulka Galmudug ee Xukumada Soomaaliya ay kawo Magaaladda Caasimada ah Maamulka Galmudug ee Dhuusamareeeb.
Shaacir Sheegow oo ka mid ahaa Xubnaha aad ugu dhawaa Sheekh Shaakir ayaa ku biiray dhanka Dowladda Soomaaliya, waxa uuna ugu baaqay 19 Xildhibaan oo kale in ay kulanku soo biiraan.
Masuuliyiin ay la hadashay Mustaqbal Radio ayaa u sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku howlantahay sidii ay kula jabi leheed Xildhibaanadda Ahlusunna ka soo galay Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Galmudug si doorashada halkeeda looga sii wado.
Magaaladda ayaa waxaa kulamo uga socdaan dhinacyada ku lugta leh Dhismaha Maamulka Galmudug,waxaana muuqata in Dowladda Soomaaliya ay qayb ka heshay 20 Xildhibaan ee Ahlusunna soo Xushay.