
Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa waxa uu maanta ka hadlay Arin Hadal heyn xoog leh sababtay Saacadihii lasoo dhaafay.
Wasiir Beyle oo umuuqday mid lagu qasbay inuu saxaafada kala hadlo Mashruucaas in la joojiyey ayaa waxa uu sheegay in dib loogu laabanayo Qaabka Loo kala gaarsiin doono Maamulada Dalka.
Waxa uu Wasiirku qiray in Mashruuca ay ku filneyd dhamaan Caasimada Dawlad gobolleedyada iyo Xamar balse si khaldan dadka ay ufahmeen ayna iyagu garwaaqsadeen wixii loo soo jeediyey.
Dawlad gobolleedyada ayaa looga yeeri doonaa Muqdisho inay yimaadaan si looga talo galiyo Mashruucaan iyo qoondo ahaan inta kusoo aadeysa.
Hadaba Shakiga waxa uu ka taagan yahay Ra’iisal wasaaraha Dalka ma uusan soo saarin Warqad sumadeysan Cod ama Muuqaalka kuma joojin Amarkaasi,taas oo laga yaabo in siriq siyaasadeed oo la dhigay ay dadka qaar ku tilmaameen.