War goordhaweyd kusoo dhacay Warqabadkeena ayaa xaqiijinaya in Toogasho ay ka dhacday Muqdisho.
Dilka ayaa ka dhacay si gaar ah meel ku dhaw Isgoyska Siinaay Ee Degmada Warta Nabada waxaana la toogtay Askari Katirsanaa Ciidanka Dawlada Soomaaliya.
Koox hubeysan oo bistoolado wadatay ayaana dilka fuliyey iyagoo dilka kadib baxsaday.
Dilka kadib meesha waxaa gaaray ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya oo baaritaan sameeyey mana jirin cid ay soo qabteen.
Inta badan dilalka qorsheysan ee nuucaan ah waxaa fuliya Ururka Al Shabaab iyadoo muddooyinkii dambe dilalka ahaayeen kuwo soo badanayey.
Leave a Reply