Sida ay Maqribnimadii Caawa faafiyeen Warbaahinta Al Shabaab waxaa Deegaanka Toora tooroow Ee gobolka Shabellaha Hoose kusoo dhacday Diyaarad nuuca is wada ah.

Diyaaradaan Drone-ka ah ayaa la sheegay inay aheyd nuuca wax duqeysa,waxaana ay kusoo dhacday baa la yiri Deegaanka Toora tooroow.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa lagu faafiyey Warbixintaan kooban oo la sheegay in Qalabkii ku xirnaa Diyaarada Ciidanka Xisbada Shabaab uqaateen meel gaar ah.

Lama sheegin macluumaad intaas ka baxsan,iyadoo aysan aheyn markii koobaad oo Al Shabaab sheegaan in Diyaarad Drone ah oo deegaan ay maamulaan kusoo dhacdo.

Isbuucii hore Ayaa Ciidanka Dawlada iyo Kuwa Mareykan ah waxay la wareegeen Tooratooroow,balse 18 Saac kadib ayey kasoo baxeen taas oo Shabaab dib gacantooda ugu laabatay Deegaankaasi.