Muqdisho:-Waxaa faah-faahino laga helayaa duqeymo xoog leh oo xalay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolada Shabeellada Hoose iyo Jubbada Dhexe, kuwaas oo lala beegsaday dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.
Deegaanada duqeynta ka dhacday ayaa kala ah, Hargeysa-yarey, Saakow iyo deegaano u dhaxeeya Jilib iyo Bu’ale oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe.
Duqeynta koowaad ayaa ka dhacday Hargeysa-yarey, waxaana la sheegay in halkaas lagu burburiyey Xarun ciidan oo Al-Shabaab ay ku lahaayeen duleedka deegaankaas, waxaan la sheegay inay ku duqeyntaas ku dhinteen dagaalamayaal ku sugnaa xeradaas.
Dhanka degmada Saakow waxa lagu duqeeyay xarun kale oo Al-Shabaab ay ku lahaayeen, waxaana waxaana la sheegay in xeradaas uu ku keydsanaa hub badan, isla markaana duqeynta lagu burburiyey.
Sidoo kale inta u dhaxeysa degmooyinka Jilib Iyo Bu’aale ayaa waxaa la sheegay in duqeyn kale oo ka dhacday lagu dilay sare oo la sheegay inuu aad ugu dhawaa hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Abuu-Cubayda, kaas oo lagu magacaabi jiray Abuu-Cabdalla, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil ka tirsan sirdoonka Soomaaliya.
Dhinaca kale degaanka Sablaale oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ayaa lagu soo waramayaa in duqen xoog leh ay ka dhacday xalay duqeyntaas oo lagu bartilmaameedsanayey gawaari dagaal oo ay lahaayeen Al-shabaab, kuwaas oo sida la sheegay qaarkood u ekaa kuwa ay isticmaalaan ciidanka AMISOM.
Ugu dambeyntii xubnaha u hadlay sirdoonka Soomaaliya ayaa waxay sheegeen inay heleen xog sheegeysa in Shabaab doonayeen inay gaadiidkaas ku soo weeraraan Muqdisho, iyagoo isku ekeysiinaya AMISOM.