
Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo ku Xigeenkiisa ee Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta oo isniin ah shaaciyay habraaca Doorashada Madaxweynaha Sadexaad ee Dowlad Gobolkeed Galmudug iyo ku xigeenkiisa.
Guddiga ayaa shaaciyay habraacaan oo ka kooban 5 qodob.
1 in Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay doortaan Golaha sharcidajinta Dowlad Goboleedka Galmudug.
2 Waa in Saddex meelood meel joogtaa Xildhibaanada Galmudug Codaynta Madaxweynaha iyo ku xigeenka Galmudug 3/2.
3: Waa in Musharixiintu u soo jeediyaan fadhiga Golaha sharcidajinta Dowlad Goboleedka Galmudug ugu yaraan 10 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Galmudug.
4: Murashaxa kastaa waa in uu Xildhibaanada u soo gudbiyaa Musharaxnimadiisa si waa waafaqsan nidaamka Guddiga doorashooyinka Galmudug.
A: codaynta Doorashada Madaxweynaha Galmudug waa qarsoodi.
B :Codaynta Doorashada Madaxweynaha waa ku guulaysanay Musharixii helaa Codadka Xildhibaanada Saddex meelood Laba meel 3/2.
Hadii Musharaxu ku guulaysan waayo wareega 1 aad waxaa loo gudbaa wareega 2 aad,waxaana ku tartami doona Afarta Musharax ee ugu codadka badan.
Wareega Sadeexaad waxaa u gudbaya 2 Musharax ee ugu codadka badan waxaana ay ku kala guulaysan doonaan Cod haldheere ah 50+1.
5: Doorashada Madaxweynaha ku xigeenka Galmudug waxaa loo marayaa habka doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug.
https://connect.facebook.net/en_US/sdk.js#xfbml=1&version=v5.0
Xildhibaan Mire oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa sharaxaad ka bixinaya habraaca Doorashooyinka Galmuddug.
Posted by Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed on Monday, January 27, 2020