
Ilo xog ogaal ah oo ka tirsan laamaha ammaanka Muqdisho ayaa ku waramaya in fanaaniin dhowr ah oo ka tirsan waaxda fanka ee gobalka Banaadir la xiray, kuwaas oo la sheegay in qaarkood ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.
Warar hoose oo aan helnay, ayaa sheegaya in Abshir Gaarane Axmed, oo xog heyn u ahaa agaasimaha waaxda Fanka ee gobalka Banaadir Shamso Cali Macalim iyo fanaaniin kale laga qabtay guri ay daganaayeen oo ku yaalla degmada Boondheere.
Baaritaan dheer oo ay hay’adaha ammaanka sameeyeen ayaa la sheegay in Abshir Gaarane uu qirtay in uu shaa sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, waxa uuna qaabilsanaa qaybta canshuuraha ee gobalka Banaadir.
[youtube https://www.youtube.com/watch?v=ANI2KiaM7-s?start=14&feature=oembed&w=696&h=392]
Gaarane ayaa sheegay in uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan qaybta Maaliyadda ee gobalka Banaadir ee Al-Shabaab, waxa uu si gaar ah u qaabilsanaa bixinta mushaaraadka Al-Shabaabka gobalka Banaadir iyo bixinta lacago la siiyo Shabaabka wax dila iyo kuwa kale ee xogaha muhiimka ah keena sida ay noo sheegeen saraakiil ka tirsan Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida.
Dadka aan la hadalnay waxay noo sheegeen in Fanaaniin kale oo la shaqeeyo Gaarane la xiray balse aysan jirin wax cadeen ah oo lagu helay iyo qiraal ay sameeyeen balse ay ku socoto baaritaan kale oo dheeraad ah.
Wararka ayaa sheegaya in ninkaan uu muddo kooban noqday madaxa Maaliyadda ee Al-Shabaab u qaabilsan gobalka Banaadir balse bilo kadib laga qaaday, waxa uuna xilkaas u hayay si kumeel gaar ah.
Sidoo kale, warar kale ayaa tibaaxaya in ninkaan uu soo far muuqay macalimkii dilaaga ahaa ee Ilkacase oo dhawaan ka soo muuqday TV-ga Qaranka.
Hay’adaha amaanku waxay sheegeen in gobalka Banaadir ay dhax ceegaan Shabaab badan oo u baahan in aad looga taxadaro, qaarkood waxay ku taliyeen in gobalka go’aan laga qaato.
[youtube https://www.youtube.com/watch?v=ANI2KiaM7-s?start=14&feature=oembed&w=696&h=392]