
Hogaamiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga kaga digay dhismaha maamul Galmudug oo kala qeybsan.
Hadalka ayaa kusoo aadaya iyadoo culeys uu kusoo kordhay doorashada madaxtinimadda maamulkaan kadib markii khilaaf soo kala dhexgalay Ahlusunna iyo dowladda oo quseeya hogaanka guddiga doorashada iyada oo Musharixiinta qaarkoodana hanaanka doorashada ay ka soo horjeesteen.
Warsame ayaa ku eedeeyay Dowlada tahaysa in ay waqti iyo Lacag ku bixinayso dhismaha Maamul Galmudug oo is Khilaafsan sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu ku taliyay in la soo dhiso Galmudug dhamaan Saamilayda siyaasada ay ka qayb qaataan cid walba oo tabasha qabta lagu xaliyo qaab wadahadal is ogol ah sida uu qoraalka ku yiri.
Halkaan ka aqriso Qoraalka hoggaamiyaha Wadajir.
Hogaanka Dawlada Federaalka waxay awoodii iyo dhaqaalihii dawladnimo horay ugu adeegsadeen in madaxweynihii Galmudug xilka laga tuuro. Uma Ayaan hirgelin, laakiin waxay ku guuleysteen in ay kala qaybiyaan hogaankii Galmudug. Markii ay majaraha u qabteen maamul samayntii Galmudug, natiijadii waxay noqotay qabiiladii iyo odayadii dhaqanka Galmuudg oo dhac iyo boob ka cabanaya , madaxweynihii xilka lagala wareegi lahaa oo Gaalkacyo maamul kale ku dhisaya, musharixiintii u tartamayey xilka madaxweynaha iyo Ahlusunna oo doorashadii qaadacay. Qaylo dhaan meel walba ah, haddaba su’aashu waxay tahay yaa loo dhisayaa Galmudug kala dhantaalan?
Isku day walba oo shakhsi ama koox 30 kii sano ee ugu danbaysay ay talo Soomaaliyeed ku boobeen, Galmudugna kuma sii jirto e, waxay ku soo idlaatay caaqibo la’aan. Waa waali siyaasadeed haddii mar walba lagu celceliyo hal ficil oo isku mid ah, lana filasho natiijo ka duwan kuwii hore.
Waxaan ka digaynaa talo xumo iyo tijaabooyinka horay loogu tacab beelay. Waxaan kula talinaynaa kuwa u durbaan tumaya talo hal dhinac ka raran iyo kuwa ka dhowranaya Galmudug kursi federaal oo keli ah, in ay fogaan arag yeeshaan, oo ay danta dadka iyo deegaanka xeeriyaan, waxna ku qaataan waayaha na soo maray, gaar ahaan kuwa ku soo gubtay xukunka Galmudug kala dhantaalan.
Galmudug waxaa lagu wedi karaa oo keli ah siyaasad loo dhanyahay oo aan cidna laga tegin, laga tashan, la tuurin, laga takhalusin. Siyaasad aan ku meel gaarid ahayn ee mudnaanta la siinayo danta dadka iyo deegaanka Galmudug