
Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay ilo kala duwan ayaa noo sheegay in Bankiga Adduunka uu ka hor yimid is hortaaga Xukuumada ku sameysay Mashruuca Waddooyinka lagu dhisayo Afar Magaalo oo Xamar ku jirto.
Shalay ayaa waxaa Wasiir Beyle,Duqa Muqdisho Cumar Filish iyo Wasiir Cabdi Hoosoow ay saxiixdeen Mashruucani oo ku kacayey 112 Milyan Dollar.
Magaalooyinka Kismaayo,Muqdisho,Garowe iyo Baydhabo ayaana la sheegay in Mashruuca loogu talo galay Balse Ra’iisal wasaaraha ayaa joojiyey sida la ogaaday.
Khabar kasoo baxay Wasiir Beyle maanta oo Axad ah 24 saac kadib Shaacintii Heshiiska waxa uu sheegay inay garwaaqsadeen dib ugu laabashada Mashruuca.
Hase ahaatee Bankiga Adduunka oo ku yaboohay Mashruucani waxay sheegeen in diidmo ama is hortaag lagu qanci karo aysan la imaan Xukuumada Soomaaliya sidaa awgeedna aysan joojin doonin.
Lama oga sida ay xaaladu noqon doonto,iyadoo Ra’iisal Wasaaraha uu udooday HirShabelle iyo Galmudug oo aan Mashruuca laga qeyb dhigin.