Hay’adda MSF oo Ciidamada Itoobiya ku eedeyay inay laayeen dad Shacab ah.

Shaqaalaha dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa sheegay in ay indhahooda ku arkeen dilkii sharci darrada ahaa ee askarta Ethiopia u geysanayeen afar qof oo rayid ah horraantii toddobaadkan. Koox ka tirsan MSF iyo laba bas oo dadweyne ayaa askartu joojisay kadib weerar gaadmo ah oo ka dhacay mid ka mid ah waddooyinka waaweyn… Continue reading Hay’adda MSF oo Ciidamada Itoobiya ku eedeyay inay laayeen dad Shacab ah.

Dagaalka Tigray”Nin la sheegay inuu Qaramada Midoobay ka tirsanaa iyo arrimo kale oo been ah

Xiisad colaadeed oo heer sare mareysa ayaa wali ka taagan gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya, iyadoo ay soo baxayaan eedeymo ku aaddan tacaddiyo bani’aadannimo iyo halis la xiriirta in ay sii jirto xasilooni darrada. Dagaalka ayaa qarxay bishii November ee sanadkii 2020-kii kaddib markii ciidamada dowladda Itoobiya ay weerar ku qaadeen xoogagga maxalliga ah… Continue reading Dagaalka Tigray”Nin la sheegay inuu Qaramada Midoobay ka tirsanaa iyo arrimo kale oo been ah

Daawo Dokumentari Ku saabsan dugsiga Sare ee Hodan Naaleeye ee dalka Canada

Halkan waa dugsiga sare ee Hodan Naaleeye. Waxaa hore loo dhihi Jiray Voon secondary iskuul balse Dadka madowga ah ayaa dalbaday in magaca laga baddelo maadaama sida ay sheegeen ninka iskuulka lagu magacaabi jiray ee Voughn uu ku lug lahaa gumeysiga dadka madow qarnigii 18-aad. Documentary Waxa Laga Qoray ama Laga Diyariyay Walasheen Hodan Naaleeye… Continue reading Daawo Dokumentari Ku saabsan dugsiga Sare ee Hodan Naaleeye ee dalka Canada

CC Sharmaarke: 5 qodob oo dowladnimadeena ah ayuu Farmaajo dhaawacay

Ra’iisul wasaarihii hore ee Somali Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa si qoto dheer ah u faah faahiyay dib u dhaca iyo dhaawacyada gaaray nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya xili tobankii sano ee lasoo dhaafay dowladdihii kala danbeeyay ahaayeen kuwo hadba meel soo gaarsiinayay horumarka iyo qaranimada dalka. Cumar Cabdirashiid ayaa tilmaamay in nidaamkii dowladnimo ee soo… Continue reading CC Sharmaarke: 5 qodob oo dowladnimadeena ah ayuu Farmaajo dhaawacay

DF oo War yaab leh ka soo saartay shirka u furmay Madaxda Dowlad goboleedyada

Xukuumada Somalia ayaa war ka soo saartay shir caawa u furmay madaxda shanta dowlad goboleed ee ka tirsan federaalka Somalia kaasoo looga hadlayo xalinta khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka. Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ergo u diray Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ee aan weli ku… Continue reading DF oo War yaab leh ka soo saartay shirka u furmay Madaxda Dowlad goboleedyada

Shir u dhexeeya Madaxda Shanta dowlad goboleed oo caawa ka furmay Muqdisho

Shir u dhaxeeya Madaxweynayaasha Shanta Dowlad Goboleed ee Somalia ayaa caawa ka bilowday hotel ku yaalla garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho Shirkan ayaa ah kii u horreeyay Maamul Goboleedyada oo wadajir ah isugu yimaadaan  tan iyo markii dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada soo gaareen Muqdisho. Waxaa Shirkan dibad joog ka ah Madaxwayne Farmaajo, RW… Continue reading Shir u dhexeeya Madaxda Shanta dowlad goboleed oo caawa ka furmay Muqdisho

Markab weyn oo xanibay isku socodkii Maraakiibta ee Kanaalka Suez (Sawirro)

Saddexdii maalmood ee ugu danbeeyey waxa xanniban marin biyoodka Suez Canal oo muhiim u ah nolosha dunida, gaar ahaan maraakiibta sida badeecadaha u kala goosha qaaradaha adduunka. Marinkan oo uu xanibay markab weyn oo sida kumanaan tan oo badeecad ah ayaa waxaa weli socda dedaalo lagu jidka looga leexinayo. Markabkan oo lagu magacaabo Ever Given… Continue reading Markab weyn oo xanibay isku socodkii Maraakiibta ee Kanaalka Suez (Sawirro)

Mahad Sallaad “Muddo kordhin in loo sameeyo hay’addaha dowladda ma aqbalayno…”

Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay xildhibaannada Kutlada Badbaado Qaran ee labada Aqal Barlamaanka Federaalka Soomaaliya. Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, iyadoona lagu soo dhoweeyay golaha Badbaado Qaran ee dhowaan Muqdisho looga dhowaaqay. Xildhibaanada ayaa baaq u diray dadka Soomaaliyeed, Beesha Caalamka iyo Hay’adaha Dowliga ah ee… Continue reading Mahad Sallaad “Muddo kordhin in loo sameeyo hay’addaha dowladda ma aqbalayno…”

Wasiiro ka tirsan DFS iyo Cabdirashiid Janan oo soo gaaray Muqdisho.

Wasiirkii Ammniga Dowlad goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Janan oo ay wehliyaan Wasiiro ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa galabta soo gaaray magaalada Muqdisho. Shalay ayay aheyd markii degmada Beled Xaawo lagu soo dhaweeyay wasiirkii amniga ee Jubbaland Cabdirashiid Janan oo la sheegay inuu heshiis la galay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa qaabilay… Continue reading Wasiiro ka tirsan DFS iyo Cabdirashiid Janan oo soo gaaray Muqdisho.

Cabdirashiid Janan ma isa soo dhiibay mise heshiis buu la galay dowladda?

Saraakiil sare oo ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maalintii Arbacadii ku soo dhaweeyey magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo, wasiirkii hore ee amniga maamul goboleedka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur oo ku magac dheer Janan. Wasiiru dawlaha gaadiidka, Cabdiraxmaan Dheere iyo wasiir ku xigeenka warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, oo hoggaaminaya wefti ka socda dawladda iyo… Continue reading Cabdirashiid Janan ma isa soo dhiibay mise heshiis buu la galay dowladda?