Xubnaha cusub ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug oo ka kooban 89 ayaa 18 ka mid ah waxaa loo Aqoonsaday inay yihiin taageerayaal kooxda Shabaab, ay ku soo darsatay baarlamaanka Galmudug.

Sida laga soo xigtay ilo xog-ogaal ah kooxda Xagjirka ah ee shabaab waxa,ay si adag ugu Ololeeyeen Xildhibaano In ay ku yeeshaa Baarlamaanka Galmudug taas oo ugu Danbeeyntii u hirgashay .

“Haddii aan xitaa ogaan lahayn, ma joojin karno. Dowladda Federaalka waxba kama Qaban karto xilligan xasaasiga ah ee Doorashada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed. Ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya “Ujeedkeennu waa inaan hubinno inaan helno Hoggaamiye daacad u ah Galmudug- ma ahan In,ay daba galaan xubnaha al-Shabaab. ”

Mid ka mid ah odayaasha beelaha ee soo xulay Baarlamaanka galmudug ayaa sheegay In oday Dhaqameedyada beellaha keenay Xubnaha al-Shabaab lagu hayay caga jugleeyn iyo cabsi Galin ka imaanaysay kooxda shabaab ayna Iska Indho tireen Tartamayaashii dhaariyey Sabtidii la Soo dhaafay.

“Cidina ma diidi karto awaamiirta al-Shabaab. Al-Shabaab meel walba waa joogtaa. Haddii aad addeecin weydo, subaxa xigga waa lagu soo tooganayaa,” ayuu odaygu u sheegay Horn Observer xaaladdiisa qarsoon.

Mid ka mid ah xildhibaanada cusub ee Galmudug ayaa u sheegay wariye ka tirsan Wargayska Horn Observer in uu ogaa in kooxda Suufiyada ay ka cawdeen 18 xubnood oo al-Shabaab ah oo soo galay baarlamaanka Galmudug laakiin tani way iska dhaga tirtay qof walba.

Wuxuu sheegay in al-Shabaab ay sidoo kale si Adag uga shaqeynayaan taageerida qaar ka mid ah tartamayaasha madaxweynaha.

“Way iska caddahay in al-Shabaab ay saameyn Ku leeyihiin baarlamaanka cusub. Iyaguna Waxay leeyihiin ra’yi ku saabsan doorashada,” ayuu yiri xildhibaanka codsaday inaan magaciisa la shaacin wuxuu u sheegay Horn Observer.

Al-Shabaab oo u dagaallamayay inay ridaan Dowladda ay taageeraan reer galbeedka ee Soomaaliya ayaa loo arkaa inay beddelayaan Taati,kadoodii Kooxda waxay sii wadaysaa inay Dhex gasho hay’adaha dowladda iyo bulshada Dhexdeeda heer aan horay loo arag. Kooxda Waxay sidoo kale u qabatey kulan odayaasha Gacanta ku dhigay heer gobol iyo federaal. Qaar ka mid ah odayaashii diiday shirkii Al Shabab ayaa la dilay.

Bishii December, garsoorayaasha Al-Shabaab Ayaa ku guuleystey in ay xalliyaan muranka ka Taagan hoggaanka Rugta Ganacsiga gobolka Banaadir kadib saddex maalmood oo ay ku Kulmeen gobolka Shabeellaha Hoose, sida Lagu sheegay baaritaan ay sameeysay Iddaacada V.O.A ee Laanta Afka Soomaaliga ee Codka Mareykanka.

HORN OBSERVER