Post View....

Ra’iisul Wasaare Xamsa: Lama Aqbali Doono in La Xagal Daaciyo Halganka Dalka Looga Xoreynayo Khawaariijta

0
7

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮: “𝗟𝗮𝗺𝗮 𝗔𝗾𝗯𝗮𝗹𝗶 𝗗𝗼𝗼𝗻𝗼 𝗶𝗻 𝗟𝗮 𝗫𝗮𝗴𝗮𝗹 𝗗𝗮𝗮𝗰𝗶𝘆𝗼 𝗛𝗮𝗹𝗴𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗗𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗟𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗫𝗼𝗿𝗲𝘆𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗞𝗵𝗮𝘄𝗮𝗮𝗿𝗶𝗶𝗷𝘁𝗮.”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, oo la hadlayey Saraakiil iyo geesiyaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in aan la aqbali doonin wax walba oo xagal-daacinaya halganka uu dhiigga badan u soo daatay ee dalka looga sifeynayo cadowga Khawaarijta ah.

“Halgankan aad dhiigga badan u soo hurteen lama aqbali karo in la majo xaabiyo, cid walba waa lagula xisaabtamayaa masuuliyadda saaran, idinkuna waxaad tihiin geesiyaal diyaar u ah duruufta ugu adag in ay kula dagaalamaan cadowgooda, waxaad u dhimanaysaan, u- gaajoonaysaan waa waddankiina oo aad cadowga ka difaacaysaan”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa oo meel fagaaro ah kula hadlayay ciidamada.

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in dal uusan horumar iyo isku-filnaansho gaari karin haddii uusan lahayn halyeeyo naftood hurayaal ah oo isku dhigaya cadow walba oo soo hujuuma qaranka, isla markaana u sabraya duruufo walba oo soo food saara.

Mudane Xamsa ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka uu sii socon doono inta ay ku harsan yihiin argagixisadu taako ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay garab iyo gaashaan u noqdaan difaacayaasha qaranka ee dhiigooda u huraya xoreynta dalka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixinno la xiriira xaaladdaha bulsho ee ka jira Degmada Aadan Yabaal iyo deegaannada u dhow ka dhageystay odayaasha dhaqanka. Isagoo Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in adeegyada aas-aasiga ah la gaarsiiyo dhammaan degmooyinka iyo deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo booqday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa kormeer uu ugu kuurgalayo hawlaha shaqo ee socda ku tegay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulamo la qaatay Saraakiisha kala duwan ee Hoggaannada Ciidanka X.D.S. iyo Madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga, ayaa sheegay in Xukuumadda #DanQaran ay gacanna ku xoreyneyso dalka, gacanna ay ku dhiseyso ciidanka Qaranka ee dalka kala wareegi lahaa ATMIS marka la gaaro sanadka 2024.

Ra’iisul Wasaaraha oo ku dheeraaday heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray dagaalka halka sano socda ee Khawaarijta looga sifeynayo dalka, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ka mideysan yihiin sidii la isaga dulqaadi lahaa culeyska argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa waxa uu xusay in ciidanku yahay meesha uu ka dhismo waddan, isla markaana haddii ay sharfanaadaan uu dalkuna yeelanayo Sharaf.

Waxa uu sheegay in wax laga qaban doono baahiyaha kala duwan ee ay qabaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo helo ciidan leh tayo iyo awood ay dalkooda ku difaacaan.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay Taliyaha ciidanka qalabka sida ee Qatar,

Salem bin Hamad Al Nabit, oo ay ka wada hadleen iskaashiga dhinaca amniga iyo dagaalka Khawaariijta.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay guullo waaweyn ka gaartay dagaalka ay ku ciribtireyso Khawaariijta, isagoo uga mahadceliyay dowladda Qatar doorka joogtada ee ay ka qaadato dib u dhiska ciidamadeena.
Taliyaha ayaa dhankiisa ku ammaanay dowladda Soomaaliya guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaartay dagaalka Khawaariijta isaga oo ballanqaaday inay sii wadi doonaan taageerada iyo wadashaqeynta ay leeyihiin hey’adaha amniga Soomaaliya
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka “Khawaarijta gabbalkoodii wuu dhacay, waana laga adkaan doonaa wakhti dhaw”.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa galabta ka qeyb galay dibad-bax lagu taageerayo Ciidanka Qaranka ee dagaalka kula jira Khawaariijta.
Shacabka ku dhaqan 17-ka degmo ee gobolka Banadir oo isugu soo baxay barxadda Dalkjira Daahsoon ayaa cod dheer ku sheegay inay barbar taagan yihiin ciidankooda qalabka sida iyagoo ballan qaaday inay is abaabuli doonaan xoojinna doonaan wada-shaqaynta iyo garab istaagga Ciidanka.
Raiisul Wasaare Ku-xigeenka oo shacabka kula hadlayay faraagaraha daljirka ayaa sheegay in Khawaariijta gabbalkoodii dhacay lagana adkaan doono wakhti aan fogayn, isagoo ku ammaanay maamulka Gobolka Banaadir iyo shacabka ku dhaqan caasimadda Muqdisho kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin taageerada halganka dalka looga xoreynayo cadawga ummadda Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay shirka bandhigga qaab-dhismeedka wadashaqeynta iyo isku duwidda deeqaha uu caalamku ku taageero Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad gaar ah siinayso sidii barnaamijyada gargaarka ee lagu taageerayo Soomaaliya loogu beddeli lahaa barnaamijyo horumarineed oo wax ka taraya nolosha shacabka Soomaaliyeed.
Mudane Saalax ayaa tilmaamay in muhiimad gaar ah uu u leeyahay dalka hannaanka wadashaqeyneed ee hagaya deeqaha ay Soomaaliya ka hesho caalamka, si loogu qorsheeyo meelaha ku haboon ee u baahan in wax looga qabto.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay dib-u-habaynta iskaashiga deeqaha Soomaaliya iyo daah-furka xafiiska nidaaminta gargaarka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo booqday ciidamada Xoogga ee ku hawlan ciribtirka Khawaariijta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray taliska ciidamada Xoogga Dalka ee dagaalka lagu ciribtirayo Khawaariijta ee degmada Aadan Yabaal, halkaas oo si diirran ay ugu soo dhaweeyeen Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ujeedada safarkiisu ay tahay sidii uu u dhiirigelin lahaa geesiyaasha ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ee gacanta birta ah ku ciribgoynaya inta yar ee kaga harsan kooxaha Khawaariijta Galmudug iyo Hirshabelle.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kuurgeli doona isbeddellada nololeed ee ka jira deegaannadii laga sifeeyey Khawaarijta, oo ay ka mid tahay degmada qadiimiga ah ee Aadan Yabaal, isla markaana kulamo gaar ah la yeelan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Taliska Ciidanka X.D.S ee laga hoggaamiyo dagaalka ka socda Galmudug iyo Hirshabelle ee lagu sifeynayo argagixisada.
Waa safarkii labaad ee uu Ra’iisul Wasaaruhu ku tago degmada Aadan Yabaal, taas oo muujineysa ahmiyadda ay Xukuumaddu siineyso xoreynta iyo sugidda amniga dalka.

About Author