Post View....

qiso dhab ah oo jaceyl ah kaana oohin Doona Najax Part 2

0
10

WAA QEYBTII 2AAD

– Bisinka, show waxba maad arkayn, way ka dhex baxdayba ka yar.
– Alla yaa ii qosla, waa abu beed kaniye ma abu beed ayay rabtaa?

Naa yaanu kugu jabin dheh.

Najax waxa ay dhex jiiftaa bustaan uu codkoodu si gaaban u soo
gaadhayo. Midho uu isagu soo guray ayay muudsanaysaa goor dayaxu
buuxo. Webi malaba ayay farta ku dhuuqaysaa isaga oo aan
dhinaceeda ka dheerayn. Haddii qofka dareen lagu kaxaysan karo,
maanta inanka way la fogaatay. Dhul biyo baad leh ayay keligood
dageen. Nasiibdarro, kursigii hoteelka ayay weli fadhidaa, isaguna
iyada aqoonba u ma laha.
Hadal dheer ayuu soo afjaray, riyo dheer ayay ka toostay. In uu
dhammeeyey ayay u qaadan weydey. Labaatan daqiiqo oo uu
hadlayey ayaa labaatan ilbidhiqsi agteeda ka ahaa. Sahra ayaa soo
boodday.

– Naa inaneey, inanta yarka kuusan sii eegaysaay, yarkii labaatanka
jeer ku salaami jiray ayaa halkaa soo fadhiya.
Hoodo: alla walaal waa miskiinkii yaraa, naa dee inanka la hadal
Najaxeey, iska daa kan kunka naagood kala dooranayoo.
Najax: kun naagood aa? Kuma? Naa kolley waa la ilaaliyaa oo naago
loo ma oggola.
Sahra: markaa maxaad isla daallinaysaa?
Najax: oo dee anigu ma isagaan rabaa? Anigu hadalkiisa uun baan
dhegeysanayee.
Sahra: wallaa? Car bal muxuu yidhi sheeg!
Najax: naa naga tag.
Hoodo: naa soo kaca soo kaca, innagaa ku xignee.
Sahra: alla dee isagaa shahaadadaha inna guddoonsiinaya, alla yarka
kuusanoow lagu jecel.
Najax: naa naga aamus belo ku jecelaatee.

Afkeedu hadal ayuu leeyahay, qalbigeeduna mid kale. Jidhkeeda ayaa
kala shaqaynaya. Wadnaha ayaa feedhaha hoosta ka soo tumaya.
Magacyadii fasalkooda ayaa la bilaabay. Hoodo ayaa kacday. Lugaha
ayay isla dhacday. Gacmaha ayaa aayar raxleeyey. Hoodo ayaa soo
noqotay iyada oo hoos u leh ”naa Sahraay waa runtaaye waxa yari
gacan kuusanaa”. Dhidid aanay filayn ayaa sacabadeeda ka soo
maaxday. Magaceedii ayay maqashay. Wadnahaa afka yimid. Cagaha
ayaa dhulka loogu aasay. Salka ayaa kursiga ku dhegay. Iyada oo aan
kicin ayay damacday in ay tallaabsato. Waxoogaa ayay rafatay. Ilmo
yar oo dembi galay sidiisa ayay u hoganaysaa. Cabsi ayaa madax
martay. Way calool-adaygtay, si kale ayaan jirin.

Bartaas ayuu soo taagan yahay, si fudud ayuu afkiisu u furan yahay,
qofkan magiciisa wadata ayuu sugayaa. Qofkan magaceeda wata ayay
soo gaadhay. Gacan qoyan ayay si waafi ah ugu dabooshay tiisa.
Qoyaan ayay ugu maydhay. shaarubaha ayay dhidid waaweyn ka
keentay. Way foorarsatay, way toostay, way foor… digaagad hadhuudh
loo daadiyey sideedii. ”Hambalyo, Alle ha kugu anfaco” ayaa
dhankiisa ka soo yeedhay. Wax cod u eeg, naqasna u badan ayaa
dhankeeda ka tegay. Saddex jeer ayay kufi gaadhay. Kursigeedii ayay
ku soo noqotay.

Hareeraha waxa ka fadhiya laba maryaha afka ku
qariyey, qosolna la gariiraya. Way fadhiisatay. Dhowr ilbidhiqsi oo
kale haddii ay sii taagnaan lahayd, way suuxi lahayd. Naqaska ayay
soo kala gurtay, qosol-gariirka ayay sii wateen.
Midna hadal ma uu odhan illaa bannaanka loo soo baxayey.

Sahra: naa Najax, huuno ma nabad qabtaa?

Hoodo: wixii ku helaan la yaabay wallaahi, Najaxeey anba markaan
suqaar arko waan ilmeeyaa.
Sahra: adigu suqaar-jeceleey ha hadline sug. Naa Najax, bisinkee ma
haantii hadalkaa kaa luntay?
Najax: naa dee maxaad rabtaan? Camal la’aan ayaa idin haysa
wallaahi.
Runta way dafiraysaa. Booraan afweyn bay, far ku awd is leedahay.
Sidii ayay ahaatay, si kaley ahaatay. Gelinkii damboo dhan, dhoof
ayay ku maqan tahay. Kolba way fogaataa, haddana way timaaddaa.
Riyadeedii oo dhan, rajadeedii oo dhan, Najax ayaa dhex taagan.
Isagay dhex legaddey, qalbigeeda oo idil. Maskaxdeeda oo dhan,
isagay u xidhan tahay. Way u qaadan la’ dahay, sidan uu ku yeeshay.
Rag horaa ku xiiqay, salaanta in ay ka qaaddo. Isna aayar maantaba,
hantidiisay noqotay. Hadal wuxuu ka joogaa, sidii ay u hanan lahayd.
Hadal waxay ku goysay: ”Waa in aan haleelaa, dhammaantii
afduubtaa, dareenkiisa yeeshaa, habeenkii la’aantay, hurdo seexan
waayaa”.

Najax waa la taabtay. Baaqigii ayaantaas, farxaddeedii oo dhan, isagaa
badh qaatay. Dareenkii ay la timid wuu ka geddisnaa kii ay kala tagtay
goobta. Wejigeeda oo dhan, madow ayaa kor saarnaa. Dhoof ayay ku
maqan tahay.

Maalin dheer ka bacdi, gurigoodii way timid. Maryihii ay saaka,
oogadeeda saartay ayay kala huleeleen. Durba fiidkii weeyaan, tiifiiga
fadhiga yaal dhinaciisay aadday. Baahideedu waxay tahay, muuqaalkii
maanta dib-u-fiirsigiisa. Cunto miiska saarnayd haf ayay la sii tidhi.
Agteeda ayay ku wadhay lugo aad u daallan. Xayaysiiska dhawaqa
dheer dhankiisay indhaheedu u dhowrayeen ujeeddo la’aan marka ay
gacantu ka dhex shaqaynaysay saxanka iyo afkeeda. Cod aan ka tiifiiga
ahayn ayaa dhegaheeda soo gaadhaya. Waa codka hooyadeed oo ay
weheliso jabaqda jiitamaysa ee ay samaynayso kabta dacaska ah ee
cagta midig laga qadiyey.

– Alla, day siday wax u cunto, nin ma mooddaa? Naa xaggeed
wakhtigan ka timid?
– Waxba hooyo dee, waannu iska caweyneynay. Weli waa fiid hooyo.
– Oo haddaa ma saqda dhexaad iman lahayd? Cagaha kuraasida iiga
qaadoo, waa ku sidee hooyo.
– Hooyo wallaahi waan soo daaloo waan ku kala bixinayey uun.
– Oo maxaad ku soo daashay markaa? Maantoo dhan waad
wareegayseen dee, fartaadoo dhan ayaan fahmayaa illeyne, suuraaf
yahay.
– Haa, waannu iska ..
– Alla hoognayeey waxa la odhan dibjirad ayay dhashay. Naa bal i sii
rimoodhkaas, filinkii ayaa i dhaafayee.
– Hooyo sug dee waxa soo galaya barnaamijkii maantee.
– Ma kii meesha aad joogtay laga soo duubay? Ba’nay! Waad
fadhiday bee maxaad ka daawan?
– Sug sug, wuu soo galay, waa kan.
– Naa bal cibaaradan eega. Bal waayee yara naaqus uun, balaayadan
codka weynina muxuu ahaa?

Barnaamij socon doona laba saacadood ayay labaatan daqiiqo ku
leedahay. Marka uu inyar socdaba hooyadeed ayaa hadlaysa. ”Naa
kanna muxuu ahaa? Sowdigaa halkaa soo fadhiya! Hadal badanaa,
nagnagtaas uun hay adigu meeshaad joogtaba, bal habluhu way
xishoodaane maxaa aamus kuu diiday?”
Najax u ma jeeddo hadalladaas. Saacad ayaa tagtay, weli ninkii ay
sugaysay la ma hayo. Way is hayn kari weyday.

– Ish! Soomaalidana hadal badni ayaan ku nacay, bal muu soo koobo
odaygan xun ee dacayda dheeri.
– Naa maxaad wasiirka ku gashay? Dee inna ga beddel oo musalsalkii
innoo gee haddaanad doonayn hadalkooda.
Waa loo yeedhay, ”soo dhawoow mudane Najax”.

Kor ayay u boodday, cagihii ayay dhulka dhigtay, saxan madhan oo dhabteeda ay
ku illowday ayay dhinac isa ga tuurtay, horena way u fadhiisatay.
Hooyadeed ayaa yaabtay oo dhankeeda soo eegtay. Way ka
aamustay. Najax ayaa indhaha ka dhex saartay muraayadda ay
daawanayso. Socodkiisii ay saacado kahor u soo joogtay ayay dib u
daawatay. ”Waa kan kii naanaabka ahaa” ayay ku dhawaaqday iyada
oo aan is ogeyn. ”Naa kanna maxaad ku cuntay?” ayay jawaab u
heshay. ”Hooyo nacas-nacas ayuu u eeg yahay”. ”Naa waa fariid ayaa
la yidhi, waa nin yaroo kaalay arag ah, siduu u shaqaysto ee uu
aabbihii u garab joogo waad yaabaysaa”. Haddana way aamustay oo
ay ku faraxday ereyada wanaagsan ee hooyadeed ka soo yeedhay.
Hadalkiisii ayuu bilowday, riyadeedii ayay gashay.

”Alla, weliba waa hadal-yaqaan. Bal siduu u hadlo day, waa ba aabbihii oo bartaa taagan”.

”Hooyo yara aamus biliis” ayay hoos u leedahay. Ma rabto in
laga qalin-daaro dunideedan xuubka caaro ka dhisan. Mar kasta oo ay
sii dhegeysato, waxa ku kordhaya rabitaanka ay rabto in ay ka ag
dhowaato. Badweyn Najax ah ayay dhex muquuratay, roob Najax ah
ayaa u da’ay, doog Najax ah..

Wuu dhammaystay, kamaraddana bartaas ayaa lagu jaray si loogu
gudbo qofka xiga. ”Boolshidh” ayay hoos u tidhi. Hadalka ma ay
badin markii ay dhanka qolka jiifka u soo tahriibtay. Sariirteedii oo
aad mooddo in ay toban sanno ka maqnayd ayay isku dul tuurtay.
Sariirtuna laabteeda ayay u furtay. Fikirkeedii maanta ee ahaa ”waa in
aan haleelaa” ayaa maskaxdeeda sidii cajalad ugu soo noqnoqonaya.
”Wuxu ma rag ayuu ka weyn yahay horto?

” ayay is weydiisay. ”

Dee maya” ayay markiiba meel ololaysay ku bakhtiisay. ”Haddii aanan
gacanta ku soo dhigin, Najax la i ma idhaa”. Way ku seexatay.
Way ku soo toostay. Jaamacad lagu kallaho ma jirto, wax se ka weyn
ayaa jira. Dhankii Hoodo iyo Sahra ayay u jarmaadday. Waa saddex
marka ay isku yimaaddaan, dheri kasta karin kara. Shir qaran ayay
yeesheen. Arrintii ayay u soo bandhigtay.
Sahra: ma anaan garan in Kuusow la jeclaanayo.
Hoodo: naa yarku subag Ilaahay ayuu ahaa bee iska daa dee ha
jeclaatee.

Dacaayadda heshiis ayay ku yihiin. In ay iska caawiyaan wixii soo
kordhana, waajib ayay u arkaan. Hawshii ayay gudo-galeen. Su’aalo
ayaa la is weydiiyey. “Ninkani sidee lagu heli karaa? Asxaabtiisu waa
ayo? Muxuu xiiseeyaa? Shaqadiisu waa maxay? Ma dhanka shaqada
ayaynu ka soo galnaa mise dhanka asxaabta, mise labadaba? Intee in
le’eg ayaa loo dhowaan karaa inta aanay ciidankiisu qoorta kaa
jebin?”

Hoodo oo looga dambeeyo falanqaynta iyo dejinta qorsheyaasha ayaa
dhankeeda la eegay. Durba su’aal muhiim ah ayay ka jawaabtay.
Hoodo: naa ninkan waxa Ilaah yar u haysata tii ”Cambaro Dheer”.
Najax: tee?
Hoodo: naa dee tii okiyaalaha waaweyn xidhnayd miyaanad garanayn
ee aannu berigii is laynay, ta xun ee miyaanad garanayn..
Sahra: Alla haa haa, naa dee tii caafimaadka dhigan jirtay ee
habeenkiina arooska u soo xidhatay googgoradda basaliga ah iyadoo
dirac cad xidhan.
Najax: Alla waa sirqadii dheerayd. Haa haa, haye.
Hoodo: naa dee dhegeysta oo, naagtaa ma jecli laakiin waan soo
basaasayaa, iyada ayaan waxan oo dhan ka soo ogaanayaa.
Sahra: naa horto waxaan ogahay in aanu ninkani sii joogeyn dalka in
badan. Alla sug, naa dee ninku xarumaha agoomaha ayuu caawiyaa.
Sowtii barnaamijyo badan laga soo deyn jiray.
Najax: naa show hortay ayaad ninka isku waddayba. Anigu maan
aqoon bee!

Sahra: naa fudkan yaree kuusan anigu waxba ku ma falayee dhegeyso,
ninku waxaasuu ka shaqeeyaa.
Hoodo: anaa gartay, dhakadii adduunka ayaynu dhigaynaa.
Najax: ka soco.
Hoodo: urur aan jirin ayaynu samaysanaynaa, urur agoomaha
caawiya. Haddaynu doonno mid caalami ah ayaynu odhanaynaa waa
qaybtiisii dalka oo annagaa ka mas’uul ah.
Sahra: oo dabeedna?
Hoodo: alla dhoohanaa tani, dee markaa isku suuq ayaynu
noqonaynaa. Xaflad aan jirin ayaynu qabanqaabinaynaa oo aynu u
bixinayno ”U gargaar agoonta”.
Najax: ii wad, ii wad.
Hoodo: dee dabeedna waynu u yeedhaynaa oo martiqaadka ayaynu u
diraynaa, Kuusow haddaan ku hor keeno markaa ka warran, adiga oo
guddoomiyihii ururka ah?

Najax: naa haaye walaal billee aan khashifannaa!
Sahra: eeg dee, waa saacaddii ay dabadu gariiri jirtee.
Hoodo: naa waxaa ka bax, adigu sida aan ku idhaa uun yeel.
Najax werwer ayaa galay, in inanka madaxweynaha la shirqoolo ma ay
rabin. Balse wax kasta oo isaga u soo dhoweynaya, diyaar ayay u
tahay. “Maxaa khaldami kara?” ayay hoos isu weydiisay. Maskax “wax
walba” ku jawaabaysa ayay “waxba” ka hor geysay. Ma rabto in ay
walaacdo imika, ma doonayso in ay khilaafto Hoodo oo ay wax badan
uga soo joogtay. Talo waxay ku goysay, inay addeecdo
Hoodo.

Dhanka kalena Hoodo, hawshii way bilowday.

Inantii “Cambaro Dheer” ayay xog ka keentay. Sidii ay ogsoonayd ayaa loo
xaqiijay. Najax waa nin maatada, agoomaha ilaasha. Qof kastoo ka
saacida, dadka wuu ka jecel yahay.
Telefoonkaa yeedhay. Cod aan meel fog gaadhayn “haloow” ugu
dhawaaqday.

– Naa maad huruddaa?
Codkii Hoodo weeyaan.
– Mayee waan sii seexanayee. Maxaa saacaddan ku wada?
– Naa bal naagtan eega aannu ninka u sallaxaynee sidaa noo la
hadlaysa.
– Bisinka, ha i cunin. Bal iska raalli ahow oo, ii warran.
– Si fiican ii dhegeyso, Faysbuuggaaga fur, farriinta ku jirta ee aan kuu
soo diray soo qaado oo wajahaddaada soo dhig.
– Bal sug aan eegee, ma “nabiga ku salli” baa?
– Naa mayee fur, inantu hadal badanaa.
– Kkkkkkkk adduunyo, maantaa Faysbuuggaygiina la ila maammulay.
Sug bal aan akhriye waxaad ii soo dirtee. Alla, oo naa waayo? Maxaan
waxan ugu soo qorayaa?
– Naa Kuusow ma rabtaa?
– Haa dee waan rabaa laakiin waaxay beentu.
– Markaad intaa samayso, gurigii Sahra ha innoo ahaato. Qolkii
dambe ee waashmaanka.
– Naa dee haaye…

Way dhigtayba.

Qaddar daqiiqado ah kaddib, wajahadda Najax waxa laga akhristay:
“Ii soo duceeya, Nayroobi ayaan safar shaqo ugu baxayaa.”
Najax oo lebbiskeeda muddo ku hawlanaan jirtay, maanta durba
bannaanka dhakhso waa tan u aadday. Saacad aan wada buuxin waa
tan goobtii ku gaadhay. Qol yaroo laga guuray, gidaar daah ku
xidhnaa iyo wax yaroo sanku diiday ayay soo martiday. Indhaheedu
se maanta, wax kaley arkayaan. Daahaasi korkiisa warqad ayaa ku
dahaadhan.

“COA Orphanage Assosiation” ayaa far waaweyn ku
qoran. Waxba way fahmi weydey. Wax yar uun horteeda, loox yaroo
la istaajay, ku dahaadhan maryo si qumman loo sharraxay,
makrafoonka dul yaalla.. Waxba way garan weydey.
Bannaankay indhaheedu, wejigeeda ka joogeen. Sahra oo barkin
weyn salka aad ugu haysa ayaa halkaa soo fadhida. Hoodo oo maryo
dumar, qulubaa-geddiyeysa, halkanay ka sii jeeddaa. Najax way
fajacday. Weli wax hadal ah, loo ma soo tuurin dhankeeda. “Naa
maxaad waddaan imika?” ayay is hayn kari weydey. “Baddaa ka
baxoo, kaalay ku taswiiree, bannaanka soo yara aad” ayay Hoodo
tidhi. Sahra oo fadhiga, sii jecleysanaysaa, tilifoon laba waar ah, faro

About Author