Post View....

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay xerada ciidamada

0
5

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay xerada ciidamada

Guutada Cali binu Abiidaalib ee degmada Maxaas ayaa ku bogaadiyey guullaha waaweyn ee ay ka soo hoyeen dagaalka Khawaarijta, isaga oo kula dardaarmay in aysan marnaba is-dhigan oo ay isha ku hayaan cadawga, waxa uuna ku ammaanay diyaar garawga ay ugu jiraan sidii ay usoo gabagabayn-lahaayeen wejiga koowaad ee dagaalka.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay bilowgii dagaalka dalkeenna looga xoreyneyno Khawaarijta diyaar garowga sidii la rabay in uusan aheyn islamarkaana dalka ku jiray xaalad abaareed oo ba’an, balse maanta ilaahay mahadiis Soomaaliya waxa ay heysataa Ciidan ka tayo iyo tiro badan markii dagaalka Khwaarijta la bilaabayay , diyaarna u ah inay naftooda u huraan dalkooda iyo dadkooda.
Madaxweynaha JFS, ahna Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay
xerada ciidamada Guutada Cali binu Abii daalib ee degmada Maxaas ayaa ku bogaadiyey guullaha waaweyn ee ay ka soo hoyeen dagaalka Khawaarijta, isaga oo kula dardaarmay in aysan marnaba is-dhigan oo ay isha ku hayaan cadawga, waxa uuna ku ammaanay diyaar garawga ay ugu jiraan sidii ay usoo gabagabayn-lahaayeen wejiga koowaad ee dagaalka.

Maalintii 2aad waxaa Howlgalo xariir ah ay kasocdaan Degaanada Hoos yimaada Degmada Bacaadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug,

kaas oo looga sifaynayo kooxda Argagixisada ag ee AS.

Ciidamada Daraawiishta Galmudug, kuwa degaanka iyo Ciidamo Xoogga Dalka Gaar Ururka 273-aad ee Guutada 27-aad ee Abuu Dujaana ayaa iska kaashanaya Howlgalkaan ka dhankaa kooxda Maleeshiyada Khawaarijta As. Waxaana Maantay howlgalkaan laga Sameeyey Degaanada Cimaamad, Hareeridheere Gaaday, Qaycad iyo Degmada Bacaadweyne Dhulka ku Teedsan.

Howlgalkaan waxaa hogaaminayay Gaashaanle C/raxmaan Nuur Sahal sheekeeye oo ka mida Saraakiisha Ciidamada Xoogga, Gaashaanle C/laahi Xusein (Caano booro) Taliyaha Guutada 27-aad ee Abuu Dujaana iyo Taliya Ururka 273-aad ee Guutada 27-aad Abuu Dujaana ee ciidmada Xoogga Dalka Kaptan Maxamed Bashiir Cali (Shiine).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo degmada Maxaas kulamo kula qaatay siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ayaa isku afgartay in loo midoobo dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Madaxweynaha oo bulshada gobolka Hiiraan ku bogaadiyay doorkooda wanaagsan ee la dagaalanka Khawaarijta ayaa tilmaamay in Soomaaliya leedahay hal cadow oo caqabad ku ah jiritaanka iyo horumarinta dalka, loona baahanyahay in laga gudbo kala aragti-duwanaashaha wiiqaya midnimada ummadda si guulo macno leh looga gaaro halganka dib u xoreynta dalka.

Dhankooda, siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee Madaxweynaha la kulmay ayaa soo soo jeediyay talooyin iyo aragtiyo ku aaddan dagaalka Khawaarijta, iyaga oo ballan qaaday in ay qaadandoonaan doorkooda halganka dalka lagu xoreynayo.

Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay
xerada ciidamada Guutada Cali binu Abiidaalib ee degmada Maxaas ayaa ku bogaadiyey guullaha waaweyn ee ay ka soo hoyeen dagaalka Khawaarijta, isaga oo kula dardaarmay in aysan marnaba is-dhigan oo ay isha ku hayaan cadawga, waxa uuna ku ammaanay diyaar garawga ay ugu jiraan sidii ay usoo gabagabayn-lahaayeen wejiga koowaad ee dagaalka.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay bilowgii dagaalka dalkeenna looga xoreyneyno Khawaarijta diyaar garowga sidii la rabay in uusan aheyn islamarkaana dalka ku jiray xaalad abaareed oo ba’an, balse maanta ilaahay mahadiis Soomaaliya waxa ay heysataa Ciidan ka tayo iyo tiro badan markii dagaalka Khwaarijta la bilaabayay , diyaarna u ah inay naftooda u huraan dalkooda iyo dadkooda.

About Author